SICIID JAAMAC: Muddo Kordhinta ay Guurtidu Sameeyeen Ma aha mid Heshiis laga Gaadhi karo


Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtidda, ahna ku Xigeenka koowaad ee Golahaasi Siciid Jaamac Cali ayaa Maanta sheegay inaanay Waxba ka bedelayn Ggo’aankoodii Hore ee ay muddada ugu kordhiyeen Madxweynaha iyo weliba Baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu Sheegay in Codsi Madaxweynaha kaga yimid oo ay wax kaga bedelaan go’aankaas ay ka diideen, isla markaana maxkamadda uun wax ka bedeli karto balse aanay iyagu marnaba ka noqonayn go’aankaasi.

“Waxaa kaloo jira Go’aammo iyo Heshiisyo ay  Xisbiyada iyo Xukuumadda oo ku ladhani ka daba keeneen Go’aankii Guurtida. dalkani wuxuu leeyahay Dastuur iyo Shuruuc laga dheegay dastuurka, asxaabtu haddii aanay iyagu ixtiraamayn ama aanay xaq-dhawrayn dastuurka, dastuurku waa waxay ku dhisan yihiin ee ay axsaab ku yihiin ee ay ku hadheen ururadii kale,”ayuu yidhi ku simaha gudoomiyaha Guurtidda Siciid Jaamac.

Waxaanu intaas ku daray “Dastuur baa hay’addo lagu yahay, dastuurka ayaa kala qaybiyay hay’ad walba awooddeeda. Dastuurku muddo kordhinta golaha xukumadda iyo golaha wakiillada wuxuu u siiyay golaha guurtida, iyadoo la tix raacayo qodobo dastuuri ah, cid kasta oo khilaaftaa waa cid ku xadgudubtay dastuurkii qaranka ee aan dhigannay. Muddo kordhinta guurtida Heshiis lagama gaadhi karo, go’aan kale lagama soo saari karo, wax jira oo sharci banneeyay heshiis lagama gaadhi karo”

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa dhowaan kulan la yeeshay shirgudoonka iyo guddida joogtadda ee golaha Guurtidda, kuwaas oo sheegay in madaxweynaha ka diideen in wax laga bedelo go’aankooddii hore, iyagoo dastuur jabin ku tilmaamay heshiishka wada gaadheen xisbiyadda iyo xukuumadda.

Xisbiyada iyo Xukuumadda Somalia ayaa ku Heshiiyay in Doorashaddu Qabsoonto Bisha December, 2016-ka, halka Golaha Guurtidu soo saareen go’aan ah in Doorashada la qabto March, 2017-ka, kaasoo wali khilaaf ka taagan yahay, iyadoo Xisbiyada Mucaaradku ay Eedeeyey Xukuumadda inay fulin wayday Heshiskii ay Wada-gaadheen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland