Hay’adda IOM oo Gobolka Minnesota Kulan ugu Qabatay Qurbo-joogta Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Kulan si Heer Sare ah loo Agaasimay ayaa ka dhacay Hoteelka Sheraton oo ku yaalla Dulleedka Koonfureed ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Kaasoo ula jeeddadiisu ahayd kaalinta Qurbo-joogtu ay ka Qaadan karto inay khibradooda uga faa’iideeyaan Soomaaliya.

Madaxa shaqaalaha Ha’yadda IOM ee Somalia, Frantz Celestin oo ay Weheliyeen Qaar ka mida Hawl-wadeennada hay’adda sida Ayaan Raabi iyo Maxamed Faarax ayaa Sharraxaad ka bixiyay Qorshaha IOM Somalia ee ah in Qurbo-joog khibrad iyo Aqoon leh lagu celiyo dhulkii Hooyo si ay Aqoontooda iyo khibraddooda ugu faa’iideeyaan Dalkooda.

Ugu horreyn, waxaa kulanka erayo soo dhaweyn iyo ula jeedka Kulankan ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Qurbo-joogta Caalamka, Sadik Warfaa oo yiri. “Somalia waxay u baahan tahay in laga dhiso Hay’adaha Dowliga ah, waxaana muhiim in Qurbo-joogta khibradooda iyo Aqoontooda looga faa’iideeyaa dalkii, caalamka inta uuna caawin karo way yar tahay shaqada inteeda badan ee dib u dhiska dalka waxaa looga baahan yahay umamdda Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxa IOM Qaybteeda Shaqaalaha Somalia, Frantz Celestin ayaa isna Sharraxaad kooban ka bixiyay waxa looga baahan yahay Shaqsiga doonaya inuu dalbado shaqo. Wuxuuna sheegay in Muddada ay tahay isku celcelin hal sano iyo in sideed bilood laguu kordhin karo. Isagoo sii wata ayaa yiri in qofka Qurbaha laga keeno ee la doonayo in Aqoontiisa looga faa’iideeyo lagu daro laba qof oo gudaha ah si ay uga Faa’iidaan Xirfadiisa ama Waayo-aragnimadooda.

Intaa kaddib, Su’aalo ayaa la Weydiiyay oo ku Saabsan sida Barnaamijkan looga faa’iidey-san karo, iyadoo Dadkii ka Qayb-galay Kulankan oo faro badnaa ayaa aad u Danenayay Qorshahan ah doorka qurbo-joogta ee dib u dhiska dalka.

Dhammaan dadkii halkaas isagu yimid ayay su’aalahoodu u badnaayeen nooca shaqada, goobta lagu shaqeenayo, nooca xirfadlaha ee la doonayo iyo qiimaha ugu sarreeya ee qofku ku shaqen karo, su’aalahaas ayaa aad u soo noq-noqday,

Iyadoo laga dareemayay in ay jiraan dhalinyaro badan oo aad u daneynaya inay dalka dib ugu soo laabtaan, ayaa dadkii goobta yimid oo u badnaayeen dad wax ku baratay dalkaan ayaa qaar badan oo ka mid ah ay ka kala yimaadeen dhowr magaalo oo aad uga fog-fog Gobolka Minnesota; sida Rochestar, Manketo iyo St cloud inay uga soo safreen barnaamij-kaan ay Hay’adda IOM u keentay.

Ugu dambeyn, Hay’adda IOM waxay kulankan hore ugu soo qabatay magaaladda Toronto ee waddanka Canada Todobaadkii hore, iyadoo Maanta oo Sabti ah kulan kan la mid ah ku Qabanayaan Magaalada Virginia iyo Agagaarkeeda.

Siyad S. Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota