Wasaaradda Waxbarashada oo Maanta Qalab ku Wareejiyay Jaamacadaha Puntland (SAWIRRO)


Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Wasaarada Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland ayaa Qalab ku Wareejisay Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Puntland, kaddib xaflad maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso.

Xafladda Wareejinta Qalabkaan ayaa Waxaa kasoo Qayb-galay Maamulka Jaamacadaha, Guddoonka Waxbarashada Gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo Xubno ka Socday Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Hay'adda Care International.

Qalabka lagu Wareejiyey Jaamacadaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah; qalabka Xafiiska oo Dhameystiran, Borojektarro, Kambiyuutarro isugu jiray Desktop iyo Laptops iyo Qalab kale. Kuwaasoo loogu talogalay in sare loogu qaado Tayada Waxbarasho ee Jaamacadaha.

Sidoo kale, Jaamacadaha la Guddoonsiiyay Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah; Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso, Jaamacadda Boosaaso, PIDAM, Jaamacadda Maakhir iyo Jaamacadda Culuunta Caafimaadka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Faraceeda Boosaaso, C/llaahi Sheekh Xasan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in barnaamijkan oo ah mid muhiim ah lagu qabto Xarunta Jaamacadooda, isagoo intaasi ku daray in qalabkan uu wax badan ka tari-doono Waxbarashada Jaamacadaha.

Abshir Maxamad Aadan oo ka socday Hay'adda Care International oo isna xafladda hadal ka jeediyay ayaa Sheegay in Qalabkan lagu Wareejiyay Jaamacadaha lagu Hubin Doono tayada Waxbarashada Jamaacadaha si loo hormariyo tacliinta sare.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland, C/llaahi Cali Jaamac ayaa isna sheegay in Muddooyinkaan Dambe Wasaaraddu ay ka Shaqeynaysay sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada sare.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya