
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Safiirkii hore ee Somalia u fadhayay Kenya Maxamed Cali Nuur [Ameeriko] oo booqasho ku jooga Garoowe ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo casuumaad u fidiyay mas’uulkan.
Cali Ameeriko waxaa kusoo dhaweyay Garowe xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland kaddib Safar maalmo Qaatay oo uu kaga soo Kicitimay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Jubbaland.
“Inaan halkan imid aad ayaan ugu faraxsanahay ,waana ugu mahad-celinayaa dhamaan dadkii isoo dhaweeyay “ ayuu yiri Cali Ameeriko oo sheegay in meelo kala duwan oo Puntland ah uu booqan doono inta uu joogo gobolka.
Kulan gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Puntland ku dhex-maray xarunta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in ay uga wada-hadleen arimo ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya iyo waxa laga filan karo dowladda hadda jirta sanadka 2016-ka.
Danjirihii hore dowladda Somaliya ee Kenya Cali Ameeriko ayaa ka waramay dadaaladii uu sameeyay intii uu safiirka ka ahaa Nairobi, wuxuu sheegay in dacwado dhowr ah ay ku guulaysteen intii uu Somaliya u shaqaynayay.
Ugu dambayn, waxaa kaloo Cali Ameerko uu la kulmay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo isna todobaad ka hor soo gaaray magaalada Garoowe, lama oga waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]