.jpg)
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia ayaa ka Dalbatay Beesha Caalamka Dhaqaale ay kusii Waddo Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay kawaddo Qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Howlgalka AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in howlgallada ka socda Somalia ay si xowli ah ku socdaan, balse ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah oo ay Caalamka ka helaan.
“Waxaan u baahannahay Dhaqaale iyo Qalab Ciidan, si Ciidamadeenna ay ugu guuleystaan howlgallka ka dhanka ah Al-shabaab,” ayuu yiri Sidikou oo Nairobi kula hadlayay Kooxo War-fidiyeen ah.
Sidoo kale, danjire Sidikou ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga Somalia ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.
“Ciidamada Isbahaysanaya ee AMISOM iyo Somalia waxay howlgallada socda ka gaareen guulo la taaban karo,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Sidikou oo intaa ku daray in Howl-galladooda ay sii xoojin doonaan xilliyada soo socda.

Danjire Maman Sidikou ayaa intaas raaciyay in Al-shabaab laga saarayo deegaanno ay ku Xoogganaayeen oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, sida Degmada Baardheere oo Gedo ka tirsan iyo Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay.
Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa Toddobaadkii hore Wariyeyaasha ugu sheegay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in Ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] aysan ka Bixi Doonin Soomaaliya ayna sii Wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Ugu dambeyn, Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Golaha Ammaanka ee QM ay isku Raaceen in Xilliga Shaqo loo Kordhiyo Howlgalka AMISOM ee Somalia iyo Xafiiska QM ee Somalia UNSOM, kuwaasoo xilligoodan cusub uu dhamaan doono billowga Sannadka soo socda ee 2016-ka.
Si kasta ha ahaatee, AMISOM iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa dhawaan sheegay in ay Tababarayaan 150-askari oo booliis ah, kuwaasoo la geyn doono Goobaha ay ka saareen Al-shabaab si ay Amniga u adkeeyaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya