
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ka Furmay Goor-dhow shir looga Tashanayo dhismaha Maamul Wadajir ah oo ay yeeshaan Gobollada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu wado in shirkan lagu saxiixo heshiis ku saabsan Qaabka Maamul Mideysan loogu sameynayo Gobolladaan.
Shirka ayaa waxaa ka Qayb-galaya, Madaxda Dowladda Fderaalka Soomaaliya, Wasiirada kasoo jeeda Labadaan Gobol, Mas’uuliyiinta Maamullada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Xildhibaannada labada Gobolka ugu jira Golaha Shacabka, Odayaasha Dhaqanka, Xubno ka socda Qaramada Midoobey, Ururka IGAD iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.
Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in laga soo saari doono Meesha uu Rasmi ahaan ka dhacayo shirka lagu dhisayo Maamulka labadan gobol, Waxaana lagu go’aamin doono xilliga uu furmayo Shirka.
Sidoo kale, Waxaa la Filayaa in shirka ka furmay Madaxtooyada lagu Magacaabo Guddiga Farsamada ee Howsha Shirka Wadaya, iyadoo ay Fududeyn Doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in dhismaha maamulka Cusub ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe la dhameystiro inta uusan Sannadkan lagu jiro Dhammaan, Waxaana marka la dhiso uu ku biiri doonaa Maamul-goboleedyada Hadda jira.
Wixii kasoo kordha Shirkan iyo Qodobbada laga soo saaro waxaad kulan socon doontaan wararka HOL ee soo socoda Haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya