
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Booliiska Magaalada Gzira ee dalka Malta ayaa xiray nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay kufsi loo geystay Haweeney u dhalatay dalka Sweden oo ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub.
War-saxaafadeed ay soo saareen booliiska Waddanka Malta aya lagu sheegay in booliisku ay heleen Taleefoon Qarsoodi ah oo loogu sheegay in Haweeney lagu kufsaday Waddada Gerry Zammit.
“Markii ciidamada booliisku ay tageen goobta uu falku ka dhacay, waxayna ka soo qabteen nin Somali ah oo xiriir la lahaa Kufsiga,” ayaa lagu yiri warbixinta ay booliiska Magaalada Gzira soo saaray maanta oo Sabti ah.
Sidoo kale, Booliiska Gzira ayaa intaas ku daray in haweeneyda dalka Sweden u dhalatay ee kufsiga loo geystay la dhigay Isbitaalka Mater Dei Hospital si loogu daweeyo, balse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen.
Dacwadan ku Saabsan Kufsiga ayaa waxaa loo xilsaaray Haweeney Garsoore ah oo lagu magacaabo, Josette Demicoli, iyadoo Sidoo kalena la Magacaabay Guddi Gaar ah oo ka caawinaya dacwaddan.
Ugu dambeyn, Booliiska Malta ayaan sheegin magaca Ninka Soomaaliga ah ee ay u xireen Kufsigan, sidoo kalena ma sheegin magaca haweeneyda Sweden u dhalatay ee kufsiga loo geystay.
Si kata ha ahaatee, Dalka Malta oo ka mid ah Waddamada Qaaradda Yurub ayaa waxaa ku sugan Qoxooti fara badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo ay Qoxooti Soomaaliyeed ay ka mid yihiin, kuwaasoo ka tallaabay badda Mediterranean-ka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya