
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Xukuumadda Iiraan ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay maanta oo Sabti inay u safar dhulka ah ku aadaan Waddanka ay Dariska yihiin ee Turkiga, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen Bas ay la socdeen dad Iiraanyihiin ah.
Illaa Hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaas, balse xukuumadda Turkiga ayaa ku eedeysay malleeshiyada Mucaaradka Kurdish-ka ah ee PKK oo Dowladda Turkiga kula jirta Dagaal.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan oo ka Duulaysa Amaan-xumada kusoo korortay Bariga dalka Turkiga, waxay muwaadiniinteeda uga digaysaa inay safar dhinaca dhulka ah ku Aadaan Turkiga, Laakiinse ay ku aadi karaan Duullimaad Cirka ah illaa inta Amar kale laga soo saarayo,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Iiraan.
Bas waday dad Iiraaniyiin ah ayaa Aroortii Jimcihii lagu weeraray degmada Dogubayazit ee Gobolka Agri oo ku yaalla Bariga Turkiga. Iyadoo kooxihii Weerarayna ay Madaxa ka Toogteen Darawalkii Gaariga.
Rakaabkii Gaariga la socday ayaa Dhammaantood way nabad-qaba, iyadoo aysan jirin cid ay waxyeello soo gaartay, sida uu Maanta TV-ga Iiraan u sheegay Hossein Ghassemi oo ka tirsan Guddiga Hoosaadka Deegaanka Erzerum.
Falkan ayaa kusoo beegmaya xilli bishii lasoo dhaafay uu Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan uu amar ku bixiyay in la duqeeyo xarumo ay Daacish iyo Kooxda PKK ku leeyihiin Gudaha dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Turkiga ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay Qarax Ismiidaamin ah oo ay ka geysanayaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee Daacish iyo Mucaaradka Kurdish-ka ah ee dagaalka kula jira Xukuumadda Ankara.
Dowladda Iiraan ayaa 31-kii July xayiraad kusoo rogtay Tareennadii aadi jiray Magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga, kaddib markii waddada xadiidka ah ee ay tareennadu ku cararaan la qarxiyay, kuwaasoo ku yaalla Bariga dalka Turkey.
Waxaa sidoo kale, bishii lasoo dhaafay ee July Bam lagu qarxiyay dhuumaha gaaska qaada ee Iiraan iyo Turkiga, kuwaasoo Sababay Dib u Dhac Maalmo ah oo la soo Gudboonaaday Gaadiidka Gaaska ku shaqeeya ee Gobolka Agri ee dalka Turkiga.
Ugu dambeyn, Kooxda Kurdish-ka ah ee PKK ayaa Sheegtay in Xabad-joojin ay la gashay dowladda Turkiga sannadkii 2013-kii iyo wadahadallo nabadeed oo u socday ay burbureen, kaddib markii Turkigu uu duqeeyay saldhigyo ay Ciraaq ku leeyihiin.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya