
Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ka dhacay duleedka degmada Marko ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalkaan oo ka dhacay xaafadda Waan-Cuneynaa oo duleedka Marko ku taalla ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay kooxo hubeysan oo uu muran soo dhex-galay, iyado la sheegayo in dagaalku uu weli socdo.
Sidoo kale, wararka ka imaanayaa degmada Marko ayaa sheegaya in shacabkii ku noolaa xaafadda uu dagaalku ka dhacay ay halkaas isaga barakceen, iyadoo ay tani qayb ka noqo-nayso falal amni-darro oo kusoo laalaabanayay degmadaas bilihii u dambeeyay.
Goobjooge ku sugan Marko ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ka billowday qof la dilay oo lagu murmay dilkiisa. Isagoo xusay in weli la maqlayo rasaasta ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Degmad Marko ayaan qaadin tallaabo lagu joojinayo dagaalka, iyadoo dhinayada dirirayana ay isku adeegsa-nayaan hubka fudud.
Ugu dambeyn, Dagaalkana yaa waxaa la sheegayaa inuu saameyn xooggan ku yeeshay Degmada Marka, Waxaana xiran guud ahaan goobihii ganacsiga ee degmadaas, iyadoo cabsi weynna ay jirto.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya