Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha dimuquraadiyadda, xaquuqul Insaanka iyo shaqaalaha, Tom Malinowski.
Mustaf Dhuxulow iyo Malinowski ayaa kulankooda kaga hadlay horumarinta warbaahinta Soomaaliya, arrimaha xaquuqul Insaanka iyo arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Tom Malinowski kulanka isagoo warbixin kooban ka siiyay xaaladda dalka, horumarka ballaaran ee laga sameeyay dhanka amniga, maamul-wanaagga, hagaajinta maaliyadda, dhaqan-gelinta nidaamka federaalka, horumarka warbaahinta iyo sidii wadanka loo gaarsiin lahaa doorashooyin sannadka 2016-ka.
Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa labada mas’uul waxay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta; iyagoo Tom Malinowski uu xaqiijiyay sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay inay taageerto dowladda Somalia iyo shacabkeeda.
Tom Malinowski ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in madaxda Somalia ay khilaafkooda ku dhameeyaan si wadahadal iyo nabad ah. Isagoo intaas ku daray inay ka qabaan walaac in khilaafkan uu saameyn xooggan ku yeesho howlaha kala duwan ee dowladda laga sugayo iyo kuwii horay loosoo qabtay.
Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Somalia ayaa dhankiisa sheegay inuu u yimid Nairobi si uu ula kulmo mas’uulkan Mareykanka ah iyo diblomaasiyiin kale ee taageerta dowladda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




