Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub iyo howlgalka ururka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ayaa soo dhaweeyay dhismaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo doorashadii ku xigtay ee Shariif Xasan Sh. Aadan madaxweynaha loogu doortay.
“Waxaan soo dhaweyneynaa doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed ee Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaana caddeynaynaa muhiimadda ay leeyihiin wadahadalka iyo in arrinta laga wada qayb-qaato, waxaana ku boorrineynaa hoggaamiyaha cusub inuu gaarsiiyo (maamulka) dhamaan qaybaha uu maamulkan ka talinayo, si heshiis looga gaaro wax ka qabashada caqabadaha mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in dhismaha maamulkan uu wadada u sii fureyo in maskaxda la dhalaaliyo sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin iyo sidii aan u dhisi lahayn maamullo shaqeeya.
"Gabagabadii, waxaan codkeenna ku biirinaynaa Beesha Caalamka; annagoo dowladda FS iyo maamulka cusub ku boorrinayna inay kawada shaqeeyaan nabadgalyada iyo dhismaha dalka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Ugu dambeyn, waxaa qoraalkan lagu xusay in ballan-qaadkii hore ee Beesha Caalamka ee ahaa taageerada maamullada dalka la sii wadayo si dalka oo dhan loogu soo dabaalo nabadda, xasilloonida iyo barwaaqo.
Dhanka kale, dhismaha maamulkan cusub ee Koonfur-galbeed Somalia ee saddexda gobol ka kooban ayaa waxaa horay u soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, dowladda Mareykanka iyo ururro kale oo caalami ah.
Maamulkan cusub ayaa wuxuu ka talin doonaa gobollada Shabeellada Hoose, Bakool iyo Bay, inkastoo ay dowladda Somalia u muuqato inay ku kala aragti duwan tahay dhismaha maamulkan iyo doorashada madaxweynaha maamulka, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya