Banaanbax lagu taageeray Shariif Xasan oo ka dhacay Baydhabo (SAWIRRO)


Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Bannaanbax lagu taageerayay Shariif Xasan Sh. Aadan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, iyadoo dhaqdhaqaaqa degmada oo dhan la joojiyay.

Waaberigii hore ee saaka ayaa lagu arkay waddooyinka Baydhabo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda iyo kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo joojiyay dhammaan gaadiidka.

Sidoo kale, gaadiid ay ku xirnaayeen cod-baahiyeyaal ayaa wadooyinka lagu arkayay, kuwaasoo ay ka shidnaayeen heeso wadani ah oo lagu taageerayay Maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda iyo doorashada Shariif Xasan.

Taageerayaasha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol ayaa waxay ku urureen garoonka kubadda cagta ee Ayuub, halkaasoo ay ku sugnaayeen ergooyinkii dhisay maamulka iyo dadweyne fara badan oo ka mid ah kuwa taageersan maamulka Koonfur-galbeed.

Mudaaharaadka ayaa waxaa ka hadlay ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta gobalka iyo kuwa degmada, waxaana ka mid ahaa xoghayaha arrimaha bulshada ee maamulka Baydhabo, Sandheere Mad Iftiin ayaa sheegay inay taageersan yihiin doorashada madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Suldaan Xaydar Suldaan Suufi oo ku hadlayay magaca nabad-doonnada iyo salaadiinta maamulka saddexda gobol ayaa sheegay inay taageersan yihiin Shariif Xasan, ayna la shaqeyn doonaa.

Waxaa kaloo ka hadley Malaaq Malabow iyo Malaaq kale oo dhammaantood muujiyay taageerada ay u hayaan xildhibaan Shariif Xasan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobal.

Dibadbaxan ka hor ayaa waxaa doorashada Shariif Xasan Sheekh Aadan soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Beesha Caalamka.

Hiiraan Online, Baydhabo