Shir looga hadlay hubka sharci-darada ah oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Garowe,waxaana diiradda lagu saaray dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka hubka sharci-daradda ah.

“Waxaa shirka loo qabtay in laga miro-dhaliyo barnaamijka ay xukuumadu uga hortagayso in shacabka gobolka ay isticmaalaan hubka qaybihiisa kala duwan waliba si sharci darro ah,“ ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland C/casiis Maxamed Aadan oo furitaankii shirka ka hadlay..

Guddi ay dowladda u magacowday hubka dhigista ayaa shirka ku soo bandhigay wax-qabadkooda ku aadan arintan ,waxaana ay ka digeen khataraha hubka uu ku keeni karo amniga magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Hay’adda DDG oo soo qaban-qaabisay shirkan ayaa maamulka Puntland ka dalbatay in daacad  laga noqdo barnaamijkan si loo helo xaquuq ay si siman ugu wada noolaan karaan shacabka Puntland.

“Laamaha ammaanka waxaan ku dhiirri-galinaya in ay waajibaad gooni ah iska saaran sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo horumarinta amniga dib u dhigi kara,“ ayuu mar kale yiri Cabdi-siis Maxamed Aadan oo ku dheeraaday waxqabadka wasaaradda amniga.

Ugu dambayn, shirka ayaa ku soo beegamaya, iyadoo shaki laga muujinayo amniga magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in ay tahay goob ay dadku si sharci darro u wataan hubka qaybihiisa fudud.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]