Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa maanta gaaray waxgarad, ganacsato iyo culimmo si ay qayb uga noqdaan dadaal xal looga gaarayo dagaal beeleedyo degmadaas kusoo noqnoqday.
Duleedka degmada Taleex ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xubnahan ka socday qaybaha bulshada ee gaaray degmadaas, taasoo lagu muujinayay in qaybaha bulshadu ay diyaar u yihiin xal laga gaaro colaadaha dhowrka jeer soo laalaabtay.
Shacabka ayaa waxaa halkaas kula hadlay dad badan oo Yaasiin Cali C/lle iyo Maxamuud Jaamac Shaacuur ay ku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin baadi-goobka nabadda, iyagoo ka digay in arrimo siyaasadeed lagu qaso nabadeynta.
Guddoomiyaha guddiga isku xil-qaamay hawshan, Khadar Cali Jaamac ayaa ka warbixiyey halkii ay ugu yimaadeen magaalada Taleex iyo maanta heerka ay soo gaarsiiyeen.
Ganacsade Hiirad Cumar Ciise oo ku hadlayay magaca waftigan ayaa wuxuu ka mahad-celiyey soo dhaweynta iyo kalsoonida loo muujiyay, iyagoo ballan-qaaday inay itaalkooda waxba la harayn.
Labada Caaqil ee labada beelood, Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore iyo Caaqil Shiine Xaaji Cali Shire ayaa iyaguna dhankooda ka muujiyay sida ay raalliga uga yihiin xal u helida mushkilada dhex-taalla labada beelood ee walaalaha ah.
Waftigan oo u badan ganacsato waaweyn ayaa waxa laga filayaa inay wax weyn ka qaban karaan hawshan maadaama ay kalsooni dhinacyo badan leh ka heli karaan bulshada colaaduhu kala jareen.
Ugu dambeyn, caaqiliintu waxay sheegeen inay ku biirayaan ergooyin horay ku guulaystay inay ciidamadii is hor-fadhiyay ka raraan magaalada geeyaana deegaanno durugsan, mana jiro hadda wax maamul ah oo degmada Taleex ka jira.
Seyab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool