Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Col. Maxamed Cali oo ka tirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta dambi-baarista ee CID-da.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Col. Maxamed Cabdi ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba baxsaday; iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilka sarkaalkan.
Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa isla maanta isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan ku dhaawacay Col. Hufle oo ka tirsan saraakiisha milateriga Soomaaliya ee gobolka Gedo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Col. Hufle ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen kooxo dharka ciidamada milateriga Somalia xirnaa oo watay gaari, iyagoo rasaasta kaddibna ka baxsaday goobta.
Toogashada sarkaalka booliiska iyo dhaawaca sarkaalka kale oo ka tirsanaa milateriga ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ka jireen maalmihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiin dowladeed iyo dad shacab ah.
Ma jirto illaa hadda cid sheegatay dilka iyo dhaawaca saraakiishan, iyadoo aysan weli ka hadlin hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, waxaana horay Muqdisho loogu dilay saraakiil ciidan oo kala duwan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya