Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiillada ee Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Maxamed(Cirro) ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland inay afgambi ku qabasdeen xarunta baarlamaanka.
Cirro ayaa sheegay in ciidammo fara badan lagu soo kordhiyay kuwii horay u joogay baar-lamanka, lana xiray waddooyin soo gala golaha, isagoo xusay in taasi ay tahay qorshe la doonayo in hakad lagu geliyo kulammada wakiillada Somaliland.
Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sheegay in goluhu uu furmi doono marka ciidamada la dul-dhigay laga qaado, loona ogolaado golaha in uu howshiisa si madaxban-naani ah u qabsado.
Haddaba DAAWO Video uu arrimahan oo dhan kaga warbixinayo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya