Masar oo Caalamka ugu baaqday in la caawiyo Dowladda Federaalka Somalia

Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar, Saamax Showkhi ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go'an tahay inay si dhow ula shaqeeyo dhamaan dhinacyada ku lugta leh yaryenta dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed, maadaama uu Masar iyo Somalia ka dhexeeya xiriir taariikhi ah oo muddo fog soo jiray.

"Dhibaatooyin bani'aadamnimo ee Koonfurta, Bartamaha iyo Waqooyi-bari ee Soomaaliya ka taagan waa kuwo naxdin leh, waxaana Beesha Caalamka looga baahan yahay inay jawaab deg-deg ah ka bixiso,” ayuu yiri Khayat oo ka hadlayay shirka Copenhagen oo looga hadlayo Hiigisga Cusub ee Somalia.

Sidooo kale, wasiirka ayaa khudbadiisa ku xusay in dowladda Masar ay kaalin fir-fircoon ka qaadanayso dadaalka lagu dhexdhexaadinayo madaxda Somalia, iyadoo kaashanaysa saxiibbada kale ee caalamka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ahmiyad la siiyo la dagaalanka kooxaha uu ugu yeeray argagaxisada, kuwaasoo uu sheegay in Somalia iyo dalalka kale ee dariska la ah ay dhibaatooyin xooggan ku hayaan.

Showkhi ayaa ammaanay dadaalka xooggan ee caalamku uu ku bixinayo sidii ay Somalia nabad iyo xasillooni ugu soo celin lahaayeen iyo inay ka caawinayaan dib u dhiska dalka, si Soomaaliya ay u gaaro mustaqbal ku dhisan barwaaqo iyo nabad buuxda.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Masar ay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay siinaysay dowladda Spmalia iyo shacabkeeda kaalmo dhinac walba ah kuwaasoo ay ka mid yihiin shixnado cunno ah, dawooyin iyo qalab caafimaad iyo gargaarka amniga wax looga qabanayo.

“Xukuumadda Federaalka Somalia waxay sannadihii lasoo dhaafay sameysay  dadaal weyn oo ay ku xaqiijinayso amniga iyo xasiloonida dalka, haatanna waxay waddaa dadaal ay dalka ku gaarsiinayso doorasho xor ah. Iyadoo taa ay jirto ayaa haddana caalamka waxaa looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan xasilinta iyo dimuquraadiyeynta Soomaaliya,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Masar ayaa waxay ka mid tahay 140-waddan oo caalamka ka socda oo ka qaybgalaya shirka looga hadlayo horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya, kaasoo furmay shalay, laguna wado in maanta oo Khamiis ah lasoo gaba-gabeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya