Khamiis, November 20, 2014 (HOL) — Inta la xaqiijinayo saddex oo ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab ayaa ku dhintay qof shacab ahna waxaa uu ku dhaawacmay dagaal saacado qaata oo deegaan lagu magacaabo Qabadana ku dhaxmaray dad beeraleey ah iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Qof ku sugan deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo la hadllay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku soo qaadeen dadka shacabka ah ee deegaankaas ku dhaqan, isaga oo intaa ku darray in aysan garaneynin sababta weerarka.
“Halka lagu dagaalamay waa deegaan u dhaxeeya degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi, waxaa ku nool dad beeraley ah oo iskood isaga xoogsada, saaka ayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab soo weerareen, sababta ma garaneyno, wax ay weydiisteen dadka shacabka ah malaha, weerarka oo kaliya ayaan ka war-helnay ayuu yiri,’’ qofka ka tirsan dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday.
Waxaa uu intaa ku darray in xaalada waqtigan tahay mid degan, isla markaana wali dhinacyadii uu dagaalku dhaxmaray ku wadda sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo Qabadana.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ayuu ugu baaqay in ay u soo gurmadaan dadka shacabka ah ee la soo weeraray, kuwaasoo hadda aan meelna isku sheegin qof walba dhinaciisa u u cararay.
“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in ay ku fiirsadaan dadka shacabka ah dagaalka ku socda ma aha, waa inay u soo gurmadaan, hadda dadkii deegaanka ku dhaqnaa oo idil way isaga carareen,” ayuu yir qofka la hadllay warbaahinta.
Maalin ka hor ayeey aheyd markii dagaal culus siddan oo kale deegaanka Yasooman oo hoos –taga degmada Buula-burte uu ku dhaxmaray Al-shabaab iyo dad xoola dhaqato ah, kaddib markii ay xoola dhaqatadu iska diideen bixinta wax ay ku tilmaameen Seko xoogag ka tirsan Al-shabaab doonayeen in ay ka qaadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya