Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda hay'adaha gargaarka iyo beesha calaamka, iyadoo kulankaas looga hadlay abaaro laga baqdin qabo inay Soomaaliya ku dhuftaan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somalia aysan weli helin dhaqaalihii caalamku uu u yaboohay, isagoo ugu baaqay dalalka deeqaha bixiya in gargaarkaas lasoo dedejiyo si wax looga qabto abaaraha laga cabsi qabo.
“Taageerada dhaqaale ee aan calaamka ka helnay sannadkan 2014-ka waa mid aad u hooseysa, waxaana ognahay in hay’adaha gargaarka ay heleen 933-milyan oo ah lacagtii ay dalbadeen si ay wax uga qabtaan xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka,” ayuu yiri madaxweynaha.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku dhaleeceeyay Al-shabaab inay xaaladaha dalka ka jira ay iyagu sii xumeynayaan, isagoo xusay inay jarayaan waddooyinkii dadkaas gargaarka loo gaarsiin lahaa, balse dowladdu ay dadaal u galayso sidii ay jidadkaas xiran ku furi lahayd.
Agaasimaha isku-xirka bani’aadamnimo hay’adda OCHA ee Soomaaliya oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay Soomaaliya ka taageerayaan xaaladaha jira ee ku aaddan abaaraha.
“Mudnaanta koowaad ayay Somalia kaga jirtaa calaamka, waxaana ugu baaqayaa beesha calaamka inay Soomaaliya ka taageeraan meelaha ay u baahan tahay iyo weliba mudnaanta ay leedahay, waana ku faraxsannahay inaan halkan joogno, waxaana ah in la fahmo sida calaamku uu uga jawaabayso gacan qabashada Soomaaliya,” ayuu yiri agaasimaha Somalia ee OCHA.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka digeen abaaro mar kale ka dilaaca Soomaaliya, iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay iyaduna sheegtay inay deegaanno ka tirsan gobollada dalka ay ka jiraan cunto iyo biyo yari.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya