Arday baratay Caafimaadka oo ka Qalin-jabisay Jaamacadda Jubbada Hoose


Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Xaflad si weyn loosoo agaasimay isla markaana ay kasoo qaybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubba, odoyaal dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo ayaa lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Kismaayo.

Xafladdan oo ahayd mi shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ku dhawaad ilaa 11 arday oo mudo afar sano ah soo baraneeysay kuliyadda caafimaadka ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay maamulkaha jaamacadda Kismaayo Dr. Max'ed Sheekh Khadar, kaasoo sheegay in ardeydani ay tahay dufcaddii ugu horeeysay ee ka qalinjabisa Jaamacadda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Jaamacaddu ay soo martay marxalado kala duwan islamarkaana ay wax lagu farxo tahay in maanta dufcaddi ugu horeeysay ay ka qalinjabiso Jaamacadda.

Siraaji Sheekh Aadan oo isna kamid ahaa aas-aaseyaashii Jaamacadda ayaa sheegay in ay dhib badan kasoo mareen aasaaskii Jaamacadda, isagoo sheegay kadib afar sano oo dadaal ah ay maanta soo gaartay in dufcaddii ugu horeeysay ay ka qalinjabiso.

Madaxa waxbarashada Jaamacadda Kismaayo Dr. Max'ed Shaafi Nuur oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda oo markii hore ay ku bilaabeen kuliyadda dhanka caafimaadka ay imika kusoo kordhiyeen kuliyado cusub oo aan hore looga heli jirin gobolladan Jubooyinka.

Gabagabadii ayaa waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha gobolka J/hoose Mr. C/rashiid Gooni iyo agaasimaha wasaaradda caafimaadka Dr. Axmed Sidiiq, waxayna labaduba u hambalyeeyeen ardeydii ka qalinjabisay Jaamacadda iyagoo sheegay in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan horumarinta waxbarashada deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo, Soomaaliya