Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid shir aan caadi ahayn, kaasoo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxayna golaha wasiirradu si wadajir ah u soo dhaweeyeen qodobbadii kasoo baxay heshiiskii ay shalay gaareen labadii dhinac ee khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ra’iisu wasaaraha xukuumadda Somalia oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadani inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya.
“Xukuumadda Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur-galbeed, waxaan sii wadi doonnaa dhiirri-gelinta iyo taageeridda heshiiska, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qayb ka qaadato hirgelinta iyo dhameystirka heshiiska oo billow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah , dadka wada-dega deeganadaasna si caddaalad ah ay u dhistaan maamul KMG ah oo ay ku mideysan yihiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Khaalid Cumar Cali oo kulanka kaddib war-baahinta la hadlay ayaa sheegay inay si qoto-dheer uga doodeen heshiiska, isla markaana ay si wadajir ah u ansixiyeen qodobbadii kasoo baxay ee ay gaareen dhinacyadii muddooyinkan isku khilaafsanaa maamullidda gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya.
“Kulankii goluhu isugu yimid waxaa looga hadlay heshiiskii ay shalay gaareen labadii dhinac ee isku khilaafsanaa maamulidda gobollada Koonfur-galbeed, heshiiskan wuxuu qayb ka yahay aragtida xukuumadda ee dhinaca dib u heshiisiinta. Xukuumaddu waxay door muuqda ka qaadanaysaa hir-gelinta heshiiskan iyo in la dhamaystiro wixii ka dhiman. Waxaana sidoo kale goluhu soo jeediyay in dowladdu diyaar u tahay in laga qanciyo heshiiskii shalay dadka dhaliilsan, xukuumadduna waxay isku howlaysaa sidii is-faham loo dhex dhigi lahaa dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay inuu heshiiskaan waddada u xaari doono ammaanka oo hagaaga iyo in la qaado olole dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay shalay wada gaareen dhinacyadii khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur-galbeed. Qodobadii lagu hishiiyayna waxaa ka mid ahaa in la dhiso maamul KMG ah, iyadoo la sameeynayo guddi arrimahaas ka shaqeynaya oo kala metelaya dhinacyada hishiiska saxiixay iyo dowladda Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya