Mas’uuliyiintii Haatuf oo lagu xukumay xariga, ganaax & rusqad kala noqosho

Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Maxkamadda Hargeysa, ayaa maanta xukun ku riday gudoomiyihii wargeysyadda Haatuf iyo Somaliland-Times, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii Axmed Cali Cige, waxaanay rusqaddii kala noqotay labadaasi wargeys.

Maxkamadda ayaa saaka xukun saddex sano oo xarig ah ku riday guddoomiyaha wargeysadan Yuusuf Cabdi Gaboobe, halka Tifaftirihii wargeyskana Axmed Cali Cige lagu xukumay afar sanno, sidoo kalena rusqaddii ay ku shaqaynayeen kala noqotay labadan wargeysba, iyadoo konton milyan oo shilling Somaliland ah oo u dhiganta illaa toddoba kun oo dollarna ku ganaaxday.

Wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times waxa xaruntoodii ciidanka booliisku la wareegeen 07-dii Abriil, 2014; iyadoo markii dambena xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii wargeysyadaasi iyo tafaftirihiiba, iyadoo xeer ilaaalintu ku eedeeysay wargeysyadan inay qoraan warar been abuur ah, haseyeeshee waxay masuuliyiinta Haatuf ku doodeen inay qoreen warar musuqmaasuq oo ay ku kaceen wasiiiro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Looyaradii difacayey masuuliyiinta Haatuf ayaa hore uga baxay maxkamadda ka dib markii ay sheegeen in aanay raali ka ahayn gudoomiyaha maxkamada ee dacwadan qaadayso, waxaana xukunkani dhacay iyadoo ay ka maqan yihiin looyaraddii difaacayey.

Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyey xukunka masuuliyiinta Haatuf, waxaanay ku tilmaameen mid warbaahinta lagu cabudhinayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland