Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Shirkadda soo dajinta dawooyinka ee Mubaarak ayaa ku soo bandhigtay maanta magaalada Hargeysa dawooyinka ay soo dejiso oo ay sheegtay inay yihiin qaar tayo sare leh.
Shirkadan ayaa qaybweyn ka qaadatay badhiga carwadda caafimaadka ee wasaaaradda caafimaadka soo qabanqaabisay ee lagu qabtay Hotelka Maans-oor ee magaalada Hargeysa, waxaanay shirkadan Mubaarak Pharmacy ka mid tahay shirkadaha soo dajiya dawooyinka dadku isticmaalaan, taas oo dalka ka shaqaynaysay tan iyo wixii ka dambeeyey sanadkii 1990 xiligaas oo shiradu si kooban hawlaheeda uga bilawday xeryihii qaxootiga ee Dulcad, balse markii lagu soo laabtay magaalada Hargeysa ayey Shirkadda Mubaarak si balaadhan ayey ugu baahisay hawlaheeda ganacsiga magaalada Hargeysa oo ay ku leedahay ilaa lix xarumood.
Maamulaha guud ee shirkadan Yuusuf Ducaale Barre ayaa nooga waramay mudaddii ay shaqaynaysay iyo Dawooyinka ay keento dalalka laga soo biiyo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “waxaanu aasaasnay 1990 kii wakhtigaasi oo dadku Qaxooti ahaa oo ay dulcad joogeen, runtii waxay ahayd xilli aad u adag oo aanay dadka Hargeysa iyo Burco dagani haysanin adeegga dawooyinka markii ay dagaaladii dhamaadeen ee magaalooyinkii dib loogu soo noqdayna waan la soo noqonay oo halkii uun baanu ka sii wadnay hawlihii ganacsiga dawada”.
Maamulaga guud ee Shirkadda Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay inay dawooyinka ka soo Iibsadaan waddamo dibadd ah isaga oo arrimahaa sharaxaad ka bixinayeyna waxaa hadaladisiii kamid ahaa “dawooyinka waxaanu ka soo Iibsanaa waddamada Turkiga Shirkadda Billim oo aad arkaysay inaanu dadweynaha u qaybinaynay xayeysiiskeedii iyo kuwo kale sida Joordan iyo Urdun oo kale” ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray “waddamada Yurubtana waanu ka soo Iibsanaa dawooyinka sida Germany iyo Holland iyo Netherland”
Mar uu ka hadlayey tayada dawooyinka ay keenaan dalka inay yihiin kuwo layska hubiyey, isla markaana lagu soo sameeyey warshado caalami ah oo aan ahayn kuwo laga war-warqabo sixadooda waxa uu yidhi “dawooyinka aanu keeno tayadoodu waa kuwo lagu kalsoonyahay oo aad u sarayso isku halayndoodu shahaadooyinkoodii caalamiga ahaana way wataan oo hadda waan ku tusi karaa waxaanay shahaadooyinkaasi wataan dhamaan saxeexyadii caalamiga ahaa ee lagu hubin jiray tayada dawooyinka heerka caalamka”.
Maamulaha Shirkadda Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale Barre waxaanu waydiinay maadaama uu sheegay inay dawooyinka ka soo Iibsadaan shirkado Yurub iyo Turki iyo Carab ah qiimaha ay dadka kaga Iibiyaan inuu yahay mid macquul ah oo ay dadku gadan karaan iyo inuu yahay mid qaaliya oo aanay dadku mabsuud ku ahayn qiimahaasi ay ka siiyaan waxaanu ku jawaabay “runtii qiimaha aanu dadka wax kaga Iibino waa mid macquul ah oo aan kululayn dee dadkuna koley sidaad la socoto duruufaha dhaqaalaha way ku kala duwan yihiin oo qaarna way kaa Iibsanayaan iyaga oo mabsuud ah qaarkalana dee waa lagayaabaa inay jeebadoodu hoosayso”
“Shirkadda Mubaarak waxay xarumo ku leedahay magaalada Hargeysa, Wajaale,Burco, Boosaaso Muqdishana haddaanu doonaynaa inaan ka furno xarun cusub hadduu Eebbe yiraahdo,” ayuu yidhi
Waxaanu intaa ku daray: “wasiirka waanu ugu hambalyeynanyaa fikirkan cusub ee uu keenay annaguna markii naloo sheegayba waanu soo ajiibnay wixii aany haynayna dee waanagaa keenay oo dadkana hadyado farabadan oo kaladuwan baanu u qaybinay waanan ku faraxsanahay bandhigga carwadan iyo dawooyinka tayada leh ee ay Mubaarak Phamacy soo bandhigeen”
“Dadweynaha reer Hargeysa waxaan u sheegayaa inay ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah oo ay soo booqdaan rugta badhiga carwada ee Mubaarak Pharmacy waxaanay ka helidoonaan dawooyin jaban oo aanu markii hore ku Iibinjiray qiime ka sareeya kan aanu hadda carwada darteed hoos ugu dhignay” ayuu ku soo xidhay hadalkiisa maamulaha Mubaarak Pharmacy Yuusuf Ducaale Barre.
Wasaaradda Caafimaadka oo soo qabanqaabisay Carwo lagu soo bandhigayo adeegyadda iyo dawooyinka caafimaad ee dalka lagu iibiyo, iyadoo ganacsi waliba madasha ku soo bandhigay adeegyaddiisa caafimaad.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland