
Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay dowladda Somaliya ku aqoonsatay maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed, kaasi oo muran badan uu ka taagan-yahay ilaa iyo hadda.
“Tani waxa ay ka tarjumaysaa ahmiyadda ay leedahay in la hormariyo dhismaha dowladeed ee Soomaaliya “ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Brussels ,kaasi oo looga hadlayay heshiiskii dhawaan ka dhacay madaxtoyada Somaliya.
“Waxaan ugu baaqaynsaa dhinacyada ay qusayso oo dhan in ay hubiyaan dar-dar galinta waxyaabah looga baahanyahay maamulkan “ayuu yiri Michael Mann oo ah afhayeenka xog-hayaha arimaha dibadda Midowga Yurub, Catherine Ashton.
Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay kaalinta dowladda Soomaliya ee ku aadan fududeynta maamulkan ,iyadoo si gaar ah loogu baaqay in horey loo sii wado dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan.
Sidoo kale war-mutiyeedkan ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu maamulkan cusub ka taageeri doono dhinacyo badan ,isla markaana uu ka jawaabi doono baahiyada shacabka dagan Koonfur galbeed sida uu xusay Michael .
Ugu danbayntii waxaa heshiiskan ka soo horjeesatay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre iyo xubno ka tirsan maamulkii lixda gobol, inkastoo beesha caalamka iyo qaar ka mid ah maamulada ka jira Somaliya ay soo dhaweeeyeen.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]