Jawaari oo Maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka Jabuuti


Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta baarlamaanka Jabuuti, khudbadna u jeediyay xildhibaannada Jabuuti.

Ugu horreyn guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Idiris Arna’uud Cali oo furay kulanka ayaa kusoo dhaweeyay Jawaari iyo wafdigiisa xildhibaannada ahaa, isagoo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha wafdigan; wuxuuna ballan-qaaday in baarlamaanka Jabuuti ay ka go’an tahay wada-shaqeynta iyo taageerada baarlamaanka walaalahooda ah ee Soomaaliya.

Prof. Jawaari oo khudbad dheer u jeediyay xildhibaannada Jabuuti ayaa ammaanay garab-istaagga dowladda Jabuuti ay garab-istaagtay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

“Taageerada aad ka geysateen dhismaha xukuumadahii KMG ahaa ee Somalia loo dhisay, kuwaasoo suuro-geliyay in baarlamaanka maanta jira la sameeyo lana soo doorto madaxda dalka, sidoo kalena uu dalku uu ka baxo xilligii KMG ahaa ee uu ku jiray muddada dheere. Intaas ugama aadan harin ee waxaad qayb ka qaaadateen gurmadkii abaarahii adkaana ee shacabka Soomaaliyeed loo fidiyay, waxaana aad uga mahadcelinaynaa kaalmadii deg-degga ahaa ee aad geyseen dalka,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay inuu mar kale Jabuuti uga mahadcelinayo inay ka joogaan Soomaaliya ciidammo rag iyo dumar leh; kuwaasoo qayb ka ah howl-galka AMISOM, waxayna ciidamadaas naftooda u hureen soo celinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo amniga dalka, Howlgalkiinana waa HIIL WALAAL.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa khudbadiisa uga hadlay howlaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in howlo badan ay tan iyo markii la dhisay qabteen, isla markaana ay guddoonka iyo xildhibaannada golaha ay ka go’an tahay in dalkan ay gaarsiiyaan yoolka la higsanayo oo ah inay dhacdo doorasho sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, wuxuu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya sheegay inay ka go’an tahay ka baarlamaan ahaan inay adkeeyaan wada-shaqeynta baarlamaanada labada dal ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya