Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Munaasabad aad u ballaaran oo loogu dabaal-dagayay joojinta qaadka ayaa lagu qabtay galbeedka magaalada London ee xarunta dalka Britain, taasoo ay ka qaybgaleen dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan.
Waxaa soo qaban-qaabiyay xafladdan qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Ingiriiska, waxaana ka qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan, sida haween, aqoonyahan, dhallinayro, saxaafadda caalamka iyo kuwa Soomaalida.
Sidoo kale, waxaa munaasabaddan ka qaybgalay abwaanno iyo hay’addo madax-bannaan, iyadoo ujeeddada munaasabadda ay ahayd sidii loo xusi lahaa tallaabada geesinimada leh ee xukuumadda Britain ay ku joojisay maandooriyaha qaadka oo dadka Soomaaliyeed fara ba’an ku hayay.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad badan kuwaasoo ka hadlay dhibaatadda qaadku uu ku leeyahay bulshadda dhexdeeda, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, ubadka, maskaxda dadka oo uu wax u dhimo iyo dhibaatooyin kale oo fara badan.
Waxaa iyana kulanka ka hadlay waxgaradkii ololaha ugu jiray sidii qaadka loo joojin lahaa, iyagoo ku dilmaamay inay aad ugu farxeen markii go'aanka cad ay dowladda Britain ku dhawaaqday.
Xafladda waxa kaloo hadallo ka jeediyey haween, hay’ado ku shaqo lahaa arrimaha qaadka iyo dhibaatadiisa, waxaana lagu soo bandhigay heeso ka tarjumayay dhibka uu qaadku ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Ugu dambeyn, Abuukar Jaamac Cawaale oo ka mid ahaa dadka aadka ugu ololeyay in la joojiyo qaadka ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal isagoo ay indhahiisa ka qubanaysay ilmo, aadna ugu farxay sida ay ugu dhacday xafladda iyo go'aanka ay qaaday xukuumadda Britain.
Dhibaatadda qaadka oo uu sheegay inuu waayo arag u yahay haddana Illaahay uu uga mahadcelinayo joojintiisa. Cawaale ayaa lagu maamuusay shahaado shafar ku aadanayd sida uu ugu ololeeyay in jaadka la joojiyo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













