C/weli oo ugu dhoofay Equatorial Guinea ka qaybgalka shirka Midowga Afrika


Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaasoo uu kaga qeyli doono shir ay isugu imaanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.

Mudane C/weli Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid tahay ujeedka socdaalkiisa iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee laga soo sheegayo deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

“Aniga iyo wafdigayga waxaan uga qayb-galaynaa dalka Equatorial Guinea shir ay yeelanayaan madaxda Midowga Afrika, waxaana inta aan ku sugan nahay dalkaas la kulmi doonaa hoggaamiyaasha dalalka Afrika oo aan kala hadli doono arrimo quseeya Somalia iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri C/weli Sheekh, isagoo intaas ku daray in qeybo ka mid ah gobollada dalka inay ka jirto xaalad bani’aadamnimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadkooda tabaaleysan.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku daray hadalkiisa: “Waxaa nasoo gaaraya deegaanno badan oo dalka ka mid ah inay ka jiraan xaalad bani’aadamnimo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay caawiso dadkaas dhibaataysan si loogu helo xal-maan-gal ah oo waafaqsan bani’aadamnimada. Waxaan maanta la kulmay guddi ka kooban hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka qaabilsan oo Somalia soo booqday si ay xaaladaha jira wax uga qabtaan.”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dadka ku nool gobollada ku yaalla Koonfurta iyo kuwa dhexe ay wajahayaan cunto iyo biyo yari, kaddib markii ay daaheen roobabkii la filayay meelaha qaarna ay go’doomiyeen kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa mar labaad soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayay maamulladii looga dhawaaqay Baydhabo ee lixda iyo saddexda ahaa, isagoo tilmaamay inay dowladdu diyaar u tahay ciddii wax ka tabanaysa heshiiskaas in wada-hadal lagu dhameeyo.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkaan soo saartay digniin tan la mid ah oo sheegeysa inay suuro-gal tahay in Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro ay dad badan ku dhintaan haddii aan si dhaqso ah gargaar loola gaarin dadka ku nool gobollada Soomaaliya ee ay xaaladaha nololeed ka jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya