Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay dood-cilmiyeedkii 12-aad ee FAGAARAHA, taasoo ciwaankeedu ahaa Doorasho xor ah oo dadweynuhu codeeyaan ma ka dhici kartaa Soomaaliya sanadda 2016?
Dooddan waxaa ka qeyb galay duqii hore ee Magaaladda Muqdisho Maxamuud Nuur Tarzan, Ambassador Abuukar Armaan, Zainab M. Xassan oo ah madaxa mashruuca dib u soo nooleynta Maktabadda Qaranka iyo Maxamuud Geeldoon oo ah qoraa Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Fagaaraha Sadik Warfaa ayaa dooda furay ka hor inta khudbo-jeediyeyaashu fikirkooda ku aadan doorashada 2016 aysan dadka la wadaagin, wuxuuna sheegay in sababaha loo aas-aasay Fagaaraha ay tahay inay ummada soomaaliyeed uga wada hadlaan marxaladaha kala duwan ee dalka, wuxuuna sheegay in wada hadalada u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqa Magaaladda Muqdisho Maxamuud Tarzan ayaa sheegay inay suuro gal tahay in doorasho ay ka dhacwo dalka Soomaaliya.
“Aniga waxay iila muuqataa inay doorasho ka dhici karto Soomaaliya, haddii la helo iskudayo iyo ballan qaadyo dhab ah, waayo waxay doorasho ka dhacday wadamo sideenna oo kale ah oo ay ku jirto Afghanistan” ayuu yiri Tarzan.
“Waxaa dhibaatada jirta looga bixi karaa in dadku soo doortaan cidda mataleysa oo ay la xisaabtami karaan, waana muhiim in shacabka awoodda loo celiyo, sadaa daraadeed waa in gacan lagu codeeyaa, gacanna cadowga la iskaga celiyaa” ayuu sii daba dhigay Tarzan.
Ambassador Abukar Armaan oo ahaa uqeybsanihii hore ee dowladda Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa aaminsan in inta aan laga fikirin doorashada 2016 ay muhiim tahay in la tixgaliyo dib u heshiisiinta iyo caddaaladda, si loo abuuro jawi doorasho ku dhici karto.
“Doorasho waa dhici kartaa iyo Ma dhici karto inta aan lagu murmin waxaa muhiim ah in la helo dib u heshiisiin dhab ah, cadallaada iyo is cafin, waayo waxaa adkaan doonta in dadku is aaminaan haddii aan intaas la helin, sababtoo ah xitaa gobol kasta uu nabad noqdo wixii shalay dhacay lagama wada hadlin, welina la isma cafin” ayuu yiri Arman.
Sidoo kale, wuxuu Arman xusay aysan xilligan muuqan waxyaabo badan oo muhiim u ah doorashada 2016 kuwaas oo ay ka mid yihiin xisbiyada, shuruucdooda iyo Maxkamadihii kala saari lahaa haddii ay doodi ka timaado natiijada doorashada.
Madaxa mashruuca dib u soo nooleynta Maktabadda Buugaagta Qaranka Zainab Xasan ayaa sheegtay inay jiraan caqabado dhowr ah oo doorasha hortaan, kuwaas oo u baahan xal deg deg ah.
“Haddii ummadi rabto inay wax sameysato wax ka celin karaahi ma jirto, waana sameyn kartaa, laakiin arrinta doorashada Soomaaliya waxay u baahan tahay in la qaado tillaaboyin muhiim ah oo ay ugu horeyso in Baarlamaanku dhameystiro Dastuurka, sidaas oo kale waxay u baahan tahay midnimo, waayo qobolada qaar ayaa diidan” ayay tiri Zainab.
“Siyaabaha qaar ma dhici karto in doorasho ka dhacdo dalka oo dhan xuduud ka xuduud, laakiin marka hore waa in baarlamaanku shaqadiisa qabsadaa, dadkuna diyaar u noqdaan, waana in la dhisaa guddiyada doorashada, maxkmadaha, xisbiyada iyo qaab lagula socdo waraaqaha codeynta, si looga fogaado musuq-maasuq iyo in qof uu codeeyo 5 jeer” ayay sii raacisay.
Maxamuud Geeldoon oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Mareykanka ayaa wuxuu gebi ahaan aaminsanyahay inaan wax doorasho ah ka dhici karin Soomaaliya 2016.
“Iima muuqato qaab ay doorasho uga dhacdo Soomaaliya, sababtoo ah wadanku marxalad aad u adag ayuu ku jiraa, sidaa daraadee waa inaan runta isku sheegnaa” ayuu yiri Geeldoon.
Geedoon wuxuu sheegay in haddii la helo dhaq-dhaqaaqyo wadaniyadeed oo kacdoon ah oo dadka ka dhex dhasha dadka Soomaaliyeed in marxaladda dalku lagu sameyn karo isbadal muuqda, wuxuuna ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay aragtidooda iyo xisaabtooda ay dheereeyaan, kuna xisaabtamaan mustaqbalka fog.
Ka soo qeybgalayaashii dooddan ayaa iyaguna cabiray dareenkooda ku aadan doorashada 2016, waxaana inta badan fikraduhu u dhacayeen inaysan macquul aheyn in doorasho ka dhacdo Soomaaliya 2016, haddii isbadal siyaasadeed, ammaan, wadaniyadeed iyo dhaqaale aan si deg deg ah loo helin.
Ugu dambeytii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay Mayor Tarzan iyo Ambassador Arman.
Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota









