Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar khasaaraha badan dhaliyay oo xalay lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Mpeketoni oo ku dhow jasiiradda Lamu ee gobolka dalka Kenya.
Hadal kooban oo lagu daabacay shabakadaha Al-shabaab taageera ayaa lagu xusay in weerarkaas ay fuliyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab uuna ahaa mid ay ugu aar-gudayeen wadaaddadii lagu dilay magaalada Mombasa.
Weerarkan oo la sheegay inay qaadeen 50-dagaalyahan oo xoogagga Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu 48-qof, iyadoo sidoo kale la gubay gaadiid ciidan, dhismayaal ay ka mid yihiin hoteello iyo baarar lagu daawanayay ciyaaraha adduunka iyo sidoo kale bangiyo iyo saldhig booliis.
"Haku riyoonina inaad nabad-gelyo ugu noolaataan dhulkiinna inta ay ciidankiinnu ay ku gumaadayaan gudaha Soomaaliay shacabkeenna aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Al-shabaab.
Bayaanka Al-shabaab ayaa digniin loogu diray ajaanibta dalxiisayaasha ah ee Kenya ku sugan, iyagoo sheegay inay isaga baxaan, ayna Kenya tahay xilligan furin lagu dagaalamayo.
Al-shaaab ayaa sheegtay in dagaalkaas uu socday toban saac xoogaggooduna ay la wareegeen deegaanka Mapeketoni, ayna si nabadgalyo ah kaga soo baxeen goobta saakay aroortii hore, balse ma sheegin halka ay xoogaggoodu haatan joogaan.
Inta badan dadka weerarkaas lagu dilay ayaa waxay ahaayeen kuwo daawanayay ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Kenya, iyadoo wararku ay sheegayaan inay kooxahan hubeysan u adeegsadeen dilka dadkan waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin toorreeyo.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay in weerarkaas ay uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyagoo xusay inay gubeen baabuurtii ay wateen oo saddex ahaa oo ay wateen, iyagiina ay ku baxsadeen lugta.
Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay in hal qof oo keliya uu ka dhigay dableydii soo qaadday weerarka, ayna ciidammo badan oo ka mid ah milaterigeeda ku howlan yihiin xilligan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dableydii weerarkaan soo qaaday.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ay Kenya ka geysato tan iyo dhammaadkii sannadkii hore oo ay weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab dhismaha suuqa ganacsiga ee Westgate Mall oo ku yaalla Nairobi kaasoo ay ku dhinteen 67-qof.
Sheekh Fu’aad Shangole oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab ayaa goor sii horreysay sheegay inay dagaalkooda u wareejiyeen dalka Kenya, ayna dili doonaan gabar Kenyan ah haddii ay ciidamada Kenya dilaan gabar Soomaali ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya