Madaxweynaha Somalia oo Sheegay in uu Qaatay Dhaliishii loo soo jeediyay


Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay maanta kulankii baarlamaanka Somalia, isagoo ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda uu dalku marayo.

Waxaa kulanka soo xaadiray 161-xldhibaan, iyadoo uu shir-guddoominayay, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari), waxaana sidoo kale goob-joog ka ahaa kulanka ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xasan ayaa hadalkiisa kusoo koobay xaaladda uu dalku marayo laba muuqaal oo kan hore uu ahaa inay soo koobmayaan khilaafaadka u dhexeeya madaxda dowladda Somalia iyo in ay shacabka Soomaaliyeed hal mowqif ka qaateen Al-shabaab oo uu ugu yeeray nabaddiid.

“Muuqaalka koowaad waa soo noqoshada dowladnimada Somalia oo maanta leh muuqaal ka duwan sidii aynu ahayn sannado yar ka hor, wax badan oo ka mid ah talooyinkeenna maanta innaga ayay gacanta noogu jiraan,” ayuu Xasan Sheekh khudbadiisa ku sheegay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Aad bay u soo koobmayaan khilaafaadka u dhexeeya dadka Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan inay socdaan wadahadallo lagu doonayo soo celintii midnimada Soomaaliya, is-bedellada siyaasadeed ee gobollada dalka qaar ka dhacay sida Puntland, dadaallada ka socota dib u dhiska maamullada gobollo dalka ka mid ah, waxaan isku aragti laga noqday mowqifka nabad-diidka oo doonaya in dalka uu dowlad la’aan ku jiro, waxaana dadkeennu isla garteen in dib u dhiska dalka uu innaga nawada sugayo, cid kale oo aan Soomaali ahayn oo aan ka sugaynana inaysan jirin.”

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay isbedelka dib u dhiska ah ee dalka ka jira, isagoo xusay in badankiis ay leeyihiin Soomaalida, calaamkuna uu kaalin yar ku leeyahay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto hadda dalalka ugu amniga xun caalamka.

Madaxweyne Xasan ayaa muuqaalka labada ee uu kaga hadlay khudbaddiisa ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay iska iloobaan wixii xumaan ah ee lasoo maray si uu u ballaarto horumarka hadda la gaaray, isagoo xusay in dowladdiis ay ka go’an tahay in dalka ay gaarsiiso sannadka 2016-ka doorasho xog ah.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay eedeyn iyo soo-jeedin ay xildhibaanno baarlamaanka dalka ka tirsan ay dhawaan u soo jeediyeen, isagoo xusay in soo-jeedintaas uu u arko cabsi ay xildhibaannadu ka qabaan in la gaari waayo arrimaha la hig-sanayo sannadka 2016-ka, isagoo baarlamaanka ka hor sheegay inuu eedeynta loosoo jeediyay qaatay.

“Waxaan garwaaqsaday in soo jeedintaas ay ku saleysan tahay cabsi laga qabo inuu hirgeli waayo isbedel dhab ah oo suuro-gelin kara in la gaaro xasillooni, dowlad-wanaag iyo inay dalka ka dhacdo doorasho sannadka 2016-ka. Anigana anigoo garwaaqsanaya cabsiyahaas jiri kara waxaana qaatay in mas’uuliyadda arrintaas aan dusha ka saaro cid kale oo anigu aan qaato maadaama aan ahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddiisa, iyadoo xildhibaannaduna ay si aad ah ugu sacab-tumeen hadalkaas.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu golaha wasiirrada ee hadda jira oo uu hoggaanka u hayo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed uu kalsooni buuxda ku qabo howlahooda.

Howlaha baarlamaanka ayuu madaxweynuhu sidoo kale ka hadlay isagoo tilmaamay in wax laga bedelo howlaha baarlamaanka, maadaama ay walaaca aad u daran shacabku ka qabaan in marka baarlamaanka ay ka jiraan doodaha mooshinnada uu baarlamaanku soo buuxso, mararka kalena la waayo kooram uu ku furmo, taasina ay tahay mid jirta.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweynuhu uga digay xildhibaannada golaha baarlamaanka dhaliilaha la isku mariyo warbaahinta oo uu sheegay inay qaar ka mid aanay ahayn kuwo wanaagsan.

Xildhibaannada ayuu sidoo kale ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan howlaha horyaalla, gaar ahaan kuwa saameynta ku leh in la gaaro yoolka la higsanayo ee ah in sannadka 2016-ka dalka la gaarsiiyo doorasho iyo xasillooni waarta.

Wuxuu sidoo kale xusay in maanta la haysto fursad wanaagsan loona baahan yahay in laga faa’iidyo, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in la helo deggenaasho siyaasadeed, isagoo sheegay in haddii aan la helin amni aan la gaari karin horumarka la higsanayo.

“Fashilka ugu weyn ee dowladda soo wajahay waa cabsi. Shabaabku haddii ay noogu han-jabaan qoorta ayaa lagaa goynayaa, maxkamaduhuna ay nagu cabsi-geliyaan xabsiga ayaa lagu geynayaa, baarlamaankuna uu nagu cabsi-geliyo mooshin ayaan kaa keenayaa waa la garan karaa dhibaatada ay leedahay. Cabsidaa dhib badan ayay nagu haystaan, waana in loo ogolaado mas'uuliyiinta inay wax-qabtaan oo ay horay u socdaan, haddii ay qaldamaan waa loo baahan yahay in la saxo, annaguna sixitaanka diyaar ayaanu nahay,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa oo aad u dheereyd.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sixitaannadii ugu dambeeyay uu ahaa kii isaga loo soo jeediyay oo uu xildhibaannada ka hor-caddeeyay inuu qaatay, taasoo ay xildhibaannadu si aad ah ugu sacab tumeen.

Khudbaddan ayaa noqonaysa tii lixaad oo madaxweynaha Somalia ka jeediyo baarlamanka Soomaaliya, isagoo hadalkiisa kusoo qatimay in si isku duubni ah loo wada-shaqeeyo, si loo gaaro howlaha la hirgsanayo sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya