
Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda ugu sareysa dalkaas si ay uga wada hadlaan arimo la xiriira kor-uqaadista xiriirka labada dhinac.
Booqasho uu shalay galinkii danbe ku tagay Gaas Abu Dubai ayaa waxaa ku wehlinaya xubno muhiim ah oo ka tirsan dowladdiisa oo ay kamid yihiin gudoomiyaha ku xigeenka barlamaanka Puntland Cabduraxman Shikh Cabdisalaan, wasiiru-dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah Maxamed Cabaas Cumar iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan golaha dowladda.
“Waxaan doonaynaa in dowladda Imaaraadka Carabta ay Puntland ka caawiso maalgashiyo wax ku ool ah “ayuu yiri Gaas oo la hadlayay warbaahinta markii uu ka dagay garoonka Abu-Dubai ,isaga oo si diiran halkaa lagu soo dhaweeyay.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in muddo toddobaad ah uu qaadanay safarka uu ku joogo Imaaraadka, isla markaana uu madaxda wadanka kala hadli doono sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahaayeen maamulkiisa.
“Madaxweynaha waxaa uu si gaar ah shir ula yeelan doonaa ganacsatada reer Puntland ee Imaaraadka jooga si uu uga dhaa-dhiciyo fursadaha ganacsi ee waqtigan laga heli karo dalka “ayuu isna yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah oo la hadlay warbaahinta.
Ugu danbyn, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh Somalia iyo maamullada kale ee dalka ka jira ,waxaana dhawaan dowladda hadda jirta ay ugu deeqeen lacag gaaraysa $1.5 Milayn oo loogu tala-galay in wax loga qabto tacadiyadda haweenka loo gaysto .
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]