Faah-faahin ku Saabsan Khasaaraha Dagaalkii Maanta ka Dhacay Kismaayo

Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Dagaal culus oo maanta gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubba iyo maleyshiyo beeleed  ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa hadda inta la ogyahay sedex qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 21 kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhismeyaal ku burburay rasaastii maanta la is weeydaarsanayay.

Ciidamada maamulka Jubba ayaa imika si buuxda u maamulaya magaalada Kismaayo iyadoo dibadda looga saaray maleyshiyo beeleedkii weerarka soo qaaday.

Dagaalkan ayaa ka danbeeyay kadib markii maleyshiyo beeleed ka careeysan dil ay ciidamada ammaanka maamulka Jubba u geysteen nin askari ah, waxaana maleyshiyadani ay weerartay saldhigyo ay gudaha magaalada ku lahaayeen ciidamada ammaanka, taasoo sababtay israsaaseyn xooggan oo dhexmartay labada dhinac.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa imika ah mid dagan,  wallow israsaaseyntii maanta ay saameyn ku reebtay isu socodkii dadka iyo gaadiidka iyo weliba ganacsigii magaalada.

Ciidamadii magaalada laga saaray ayaa la sheegay in ay imika ku suganyihiin deegaanka Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya