SIILAANYO: “Dalalka aynu Dariska nahay Nabad ayaan kula Noolaanaynaa”


Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, guddoomiyeyaasha saddexda xisbi Qaran iyo shirgudoonka Baarlamaanka Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Britain oo Somaliland uGu baaqayay in ciidamadeeda kala baxdo deegaannada ay ku muransan yihiin Puntland.

Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada ayey sheegeen in aanay ogolaan doonin in lagu dirqiiyo in ciidamadoodu ka soo baxaan xuduudda wadankoodad, isla markaana aanay cidnaba waxba uga waydiineen ogolaanshaha wadanka gudihiisa.

Mudane Siilaanyo wuxuu hambalyeeyay ciidamada Somaliland ee haatan ku sugan deegaanbada xuduudda ay la leedahay puntland, isagoo sheegay in aanay jirin deegaan Somaliland oo ay cid kale isku haystaan, isla markaana aanay dhaafeen xuduudoodda meelo ka baxsan.

"Waxaan Jecelahay in aan halkan ka cadeeyo Maadaama aanu halkan aan isagu nimi dhamaanba Madaxdii qaranka Somaliland Xaalada dalkeena ka taagan aanu ognahay Ciidamadeena Qaranka iyo mawqifka ay qaateen iyo guulaha ay soo hooyeen iyagana aan hambalyo balaadhan aan u diro oo sidaasi aynu sheegnay aanu marwalba u cadaynayno dalkeena iyo dadka kaleba in aan mawqifkayaga la fahmi waayin in aanu dalkayaga daafacaadiisa aanan cidna ku xadgud bayn ,cidna wax ugaysanayn,Ixtiraam iyo qadarina aanu u hayno dadka iyo Umaha jaarka ah intaba laakiin anan uga tanaasulayn qadiyada Somaliland iyo Difaaca dalkayaga Somaliland-ba"Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha oo fariin u diray beesha caalamka ayaa sheegay inay jecel yihiin in wadamada jaarka nabad kula noolado, balse qadiyadda Somaliland tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana aanay ogolaan doonin farogalin dibadeed.

"Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaynaysaba,waxaa jirta in Somaliland hore ay u cadaysay Mawqifkeeda nabad ku wada noolaanshiyaha iyo daganaanshaha Mandaqada,Aaminsan nahayna in Cid walba ay dani ugu jirto,waxaanse aan kor iyo Hoos ba aan u sheegayaa in qadiyada Somaliland ay lama taabtaan tahay dawlad,Xisbiyo iyo Baarlamaanba in aanu heegan aanu u nahay Adkaynta nabad galyada iyo Sugida Nabad galyada Somaliland,Wadamada aanu dariska nahay iyo Beesha Caalamkaba  waxaanu jecel nahay in aan nabad ku wada noolaano Mana ogalin faragalin dibadeed,mid siyaasadeedba iyo mid Mila tari toona dhulkayaga iyo dadkayaga qalad ku ah"Ayuu hadalkiisa raaciyey.

"Shacbiga reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay usoo jeestaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabad galyada".Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo fariin u diraya shacabka Somaliland

Dhinaca kale, waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyahaa Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu sheegay in go’aanka madaxweynuhu ka qaatay arrimaha ciidamadda ay taageersan yihiin.

"Qaranku waa mid,waxaana hogaamiya Madaxweynaha Madaxweynihii qaranku waa yidhi,hadalka intaa uu yidhi waa ay ku dhantahay madax kale iyo qaran ahaana intaas ayaanu ku raac sanahay intaas ayaa Madaxweynaha iyo dawladiisaba lagu taageer sanyahay waxii loo baahdana dal iyo duunyaba waa loo diyaar"Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan.

Sidaas si la mid ah waxa iyaguna taageero u muujiyey hadalka madaxweynaha saddexda xisbi qaran iyo goleyaasha Baarlamaanka, kuwaas oo si wadda jir ah u sheegay in aanay ogolaan doonin in xuduudaha dalka la soo faro galiyo.

Fariintan ayaa ka dambaysay kaddib markii Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga yurub ay sheegeen in goobaha muranka ka jiro ee Somaliland iyo Puntlnad isku haystaan ay ciidamadooda dib uga soo qaadaan, taasina waxay si weyn uga xanaajisay xukuumadda Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland