Hay’adda Al-Nuur oo si Mutadawacnimo ah Indhaha ugu fiiqaysa 1,000 qof


Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Hay’adda Al-Nuur oo ah hay'ad samafal ayaa Muqdisho ka billowday mashruuc ay indhaha ugu fiiqayso ama ugu jeexayso 1,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo ay lasoo gudboonaadeen xaalado indho-la’aan ah.

Madaxa hay’adda Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay inay howshan ay tahay mid kaalmo ah oo ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed oo dhan, aysanna jirin cid gacan ku siisay, isagoo xusay inay howshan sii socon doonto.

“Waxaan billownay mashruuc aan ku doonayno inaan indhaha ugu fiiqno 1,000 qof oo Soomaali ah, innagoo si mutadawacnimo ah ugu shaqeynayna, waana mashruuc uu ka faa’iideysan karo qof walba oo Soomaali ah,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Dr. Dalmar ayaa hadalkiisa ku daray in tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay sameeyaan howshan oo kale, ayna jecel yihiin mar walba inay Soomaalida ay la soo gudboonaatay indho la’aanta ay u fiiqaan indhaha si uu aragoodii dib ugu soo laabto.

“Howshan waxaan wadnaa sannadkii 10-aad, waxaana muddadaas indha u fiiqnay 80,000 oo qof oo indhaha la'aa, iyadoo aan laga qaadin wax lacag ah, maadaama ay yihiin dad Soomaaliyeed oo walaalahood iyo waalidkood ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Dalmar.

Mashruucan indho-fiiqista ah ayaa waxaa ka qaybgalay Dr. Cabdi Muuse Maaxaay oo ah aqoon-yahan bartay cilmiga caafimaadka oo ku nool dalka Mareykanka, balse maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Hay’adda Al-nuur ayaa howlo badan oo Indho-fiiqis ah ka sameysay deegaanno kala duwan ee dalka ku yaalla, waxaana mashaariicdeeda inta badan ka faa’iideysta dad isugu jira dhallinyaro, waayeel iyo carruur isugu jira lab iyo dheddig.

Ciddii  doonaysa inay gacan ka geysato howshan indhaha fiiqista ah ee aan lacagta lagu qaadayn, waxay kala xiriiri karaan Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, taleefoonka lambarkiisu yahay +252-61-505555.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya