Kaluumeysata Yemen oo loo ogolaaday inay ka jillaabtaan Xeebaha Puntland

Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland oo ka tirsan Soomaaliya iyo dowaldda Yemen ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah, kaasoo u ogolaanaya kalluumeysatada dalka Yemen inay ka jillaaban karaan xeebaha maamulkaas hoos-yimaada.

Heshiiskan ayaa waxaa maamulka Puntland u saxiisay, wasiirka kalluumeysiga Puntland, Xasan Maxamuud oo safar ku jooga dalka Yemen, isagoo sheegay inuu heshiiskan yahay mid qayb ka ah iskaashiga Puntland iyo Yemen.

Sidoo kale, dhinaca Yemen ayaa waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka kalluumeysiga waxaana markii saxiixu uu dhacay ay labada wasiir sheegeen in heshiiskan uu qayb ka yahay iskaashiga dhinaca kalluumsiga ee labada dal.

Kalluumeysatada dalka Yemen ayaa waxaa horay uga jillaaban jireen xeebaha qaar ka mid ah kuwa Soomaaliya, inkastoo markii ay dillaaceen kooxaha burcadbadeeda ay dhibaatooyin kala kulmeen, taasoo keentay in kalluumeysigooda uu hakad galo.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaan waxba ka ogeyn heshiiskan, iyadoo tani ay ka mid noqonayso qorshayaasha ay sida gaar ah Puntland heshiisyada ugula galayso dalalka caalamka qaarkood.

Yemen ayaa waxay ku xuduud dhinaca badda kala leedahay Soomaaliya, waxaana dalkaas ku nool qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed, lamana oga go’aanka ay ka qaadan doonto dowladda dhexe heshiiskan dhexmaray Yemen iyo Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya