Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Iska-horimaad xooggan oo u dhexeeya ciidammo ka tirsan booliiska Kismaayo iyo kooxo hubeysan ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalkan ayaa billowday kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba ay ku toogteen bartamaha magaalada nin hubeysan oo la diiday inuu qoriga dhigo, taasoo sababtay in kooxo hubeysan oo ay isku hayb yihiin ay weerareen saldhigga.
“Xaaladda magaaladu waa kacsan tahay, waxaana dagaal uu ka socdaa saldhigga booliiska Kismaayo,” ayay goobjoogayaal ku sugan Kismaayo u sheegeen HOL.
Goobjoogayaasha ayaa intaas ku daray in rasaasta dhacaysay ay tahay mid aad u culus, ciidammo fara badanna lagu soo daadiyay magaalada, inkastoo aan la sheegi karin xilligan khasaaraha dagaalkaas uu dhaliyay.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubba weli kama aysan hadlin dagaalkan ay kooxaha hubeysan ku qaadeen saldhigga, iyadoo dagaalkan uu sababay inay joogsadaan isku socodka dadka iyo gaadiidka qaybo ka mid ah Kismaayo.
Wixii warar ah ee dagaalkan kusoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya