Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) —Iyadoo ay muddo hal asbuuc ahi ka harsan tahay waqtiga ay Puntland ka dhici doonto doorashada madaxtinimadu, ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaalo-madaxda Puntland ee Garoowe.Ciidamada ammaanka oo heegan sare ku jira ayaa lagu arki karaa dhammaan jidadka waaweyn ee magaalada iyo weliba waddooyinka yaryar ee xaafadaha dhex mara.
Labada kantarool ee Garoowe laga soo galo, waxaa si aad ah loogu baarayaa dadka iyo gaadiidka magaalada soo gelaya iyo weliba kuwa ka baxaya.
Goobaha sida weyn ammaankooda loo sugayo waxaa kamid ah Aqalka Baarlamaanka, halkaas oo maanta xildhibaanada cusub lagu dhaariyey 8-da bishana ay doorashadu ka dhici doonto.
Guddiga loo xil-saaray ammaanka Puntland xilliga doorashada -ee uu guddoomiyaha u yahay Jen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)- ayaa warbixin ay Isniintii soo saareen ku sheegay in ammaanka guud ee Puntland uu yahay mid sugan.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in ammaanka magaalada Garoowe si aad ah loo sugi doono, si looga taxadaro in falal ammaanka liddi ku ahi ay xilliga doorashada ka dhacaan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya