Baarlamaanka oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyad iyo Eedeymo loo Jeediyay Xafiisyada Hanti-dhowrka iyo Gar-yaqaanka Guud


Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda saddex bilood ee ugu horreysan sannadkan cusub 2014-ka, iyadoo kulanka uu goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, waxaana dhaliil adag loo jeediyay xafiisyada garyaqaanka guud ee Qaranka iyo kan hanti-dhowrka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda oo intii aan miinsaaniyadda la ansixin hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inaysan jirin mushaaraad sannadkii tagay ee 2013-ka ka maqnaaday shaqaalaha dowladda oo ay wasaaraddiisu og-tahay, isagoo ku daray hadalkisa in dowladdu ay muddo 23-sano kaddib si dhammeystiran u bixisay mushaaraadka shaqaalaha dowladda.

Intaa kaddib waxaa cod la geliyay miisaaniyadda dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee ugu horreysan sannadkan cusub oo maanta billowga ah, iyadoo ay ogolaadeen 169 mudane, hal mudane ayaa diiday, halka laba kale ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay in 169 ka mid ah xildhibaannadii ku codkooda dhiibtay ay ogolaadeen miisaaniyadda, hal mudane uu diiday laba ay aamuseen, wxuuuna sheegay in miisaaniyaddu ay ansax tahay.

Miisaaniyadda maanta la ansxiyay ayaa waxay gaaraysaa 56,282,615 doollar (Konton iyo lix milyan, laba boqol sideetan iyo laba kun iyo lix boqol iyo shan iyo toban - doollar), iyadoo miisaaniyaddan ay tahay mid ku qoondeysan 10-kii wasaaradood ee xukuumaddii hore, waxaana la filayaa in miisaaniyaddu ay intan ka badan doonto maadaama la qorsheynayo in wasaaraha la soo dhisayo la kordhiyo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo la dardaarmay wasaaradda maaliyadda ayaa sheegay in hantida shacabka lagu bixin karo oo keliya go’aanka baarlamaan, si kalena aysan kaga bixi karin qasnadda dowladda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo sii hadlayay ayaa dhalliilo adag u jeediyay xafiisyada gar-yaqaanka guud iyo kan xisaabiyaha guud ee Qaranka, isagoo ugu baaqay xafiisyadan inay howlahooda kasoo baxaan ayna dastuurka dib u eegaan.

“Guddiga maaliyadda baarlamaanka waxaan u wargelinayaa inay u yeeraan xafiiska hanti-dhowrka guud si howshiisa uu si wanaagsan u qabsado, sidoo kalena aysan dhici karin hal shilin inuu waddo qalloocan ku baxo, waxaana ka codsanaynaa guddiga iyo hanti dhowraha guud laga billaabo sannadkan cusub ee 2014-ka inay guntida xirtaan oo hantida shacabka si xooggan loo ilaaliyo, dastuurkan dib loo eego,” ayuu yiri Jawaari. Isagoo xusay in haddii xafiiskan howshiisa muddo bil gudaheed ah lagu hagaajin waayo uu go’aan ka qaadan doono baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in xafiiska kale ee dhaliisha ay u jeedinayaan oo curyaaminaya howlaha baarlamaanka nidaamka oo dhanna ka qaribaya uu yahay xafiiska gar-yaqaanka guud ee Qaranka, isagoo si cad u sheegay inuu u jeedinayo dhaliilo adag, waayo ma daba-galo sharciyada halkan (Baarlamaanka) lagu meel-mariyo, howshiisa ha guto dastuurkana dib ha u fiiriyo, waayo dastuurku wuxuu qorayaa in markii sharci la ansixiyo oo madaxweynuhu uu saxiixo uu isagu daba-gal ku sameeyo, taasna kama hayno.

Prof. Jawaari ayaa xildhibaanada baarlamaanka u sheegay in sannadkan uu yahay sannad howlo badan looga fadhiyo xildhibaannadana laga doonayo in ay dhexda xirtaan, isagoo Alle ka baryay in howlaha hotaalla uu u fududeeyo uuna waafajiyo wixii dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa uga mahadceliyay xidlhibaannada baarlamaanka meel-marinta ay maanta meel-mariyeen miisaaniyadda saddexda bilood ee soo socota isagoo sheegay inuu xoojinayo wada-shaqeynta ka dhexeysa wasaaraddiisa iyo baarlamaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay tahay mid KMG ah oo ay kusii shaqeynayso dowladda inta laga keenayo miisaaniyad dhameystiran oo ay dowladdu ku shaqeynayso sannadkan cusub ee 2014-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News