Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Bandhig faneed oo deeqo lacageed loogu uruurinayay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaaddii webiga Shabeelle uu ka gaystay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo ay ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, shacab fara badan, fannaaniin fara badan ayaa xalay lagu qabta Muqdisho.
Xafladda ayaa waxaa hadallo ka jeediyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/shakuur Cali Mire iyo xildhibaano uu ka mid ahaa Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed haddii ay isku kalsoonaadaan ay gacan shisheeye ka maarmi karaan.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe ee dhinaca siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dadkii ay fatahaada saameysay ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ay u baahan yihiin in gurmad lala garo.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Xildhibaanad, Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd xubnihii hadalka ka jeediyay munaasabadda ayaa iyaduna dadka Soomaaliyeed uga baaqday in ay ka qaybqaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ay saamesay fatahaaddii uu geystay webiga Shabeelle.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo kulanka deeq ururinta soo gunaanaday ayaa u mahadceliyay dadkii isku xil-qaamay qaban-qaabada bandhigan oo uu sheegay inuu yahay inuu mid muujinaya in shacabka Soomaaliyeed ay tahay inay isku gurmadaan xaalad walba oo ay ku jiraan.
Bandhigan ayaa intii uu socday waxay fannaaniintii ka qaybgalay qaadayeen heeso kala duwan oo qaarkood ka hadlayay sida ay lagama maarmaaka ay u tahay in shacabku ay isku gurmadaan.
Dhanka kale, xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalaha la ururiyay iyo dhar ay ugu talo-galeen dadka fatahaadaha webiga Shabeelle saameeyeen ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe ee Jowhar, si ay ugu qaybiyaan dadkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya