Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay Carwadii lixaad ee ganacsiga oo Sannad kasta lagu qabto Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta furay carwaddii lixaad ee ganacsiga oo sanadkiiba mar lagu qabto magaaladda Hargeysa.

Carwadan oo ay sanadkan soo qabanqaabisay Rugta ganacsiga Somaliland, waxa ka soo qaybgalay In Ka Badan 100 Shirkadood,  Kuwaas oo Isugu Jira Ku Waawayn Iyo Kuwo Yar Yar, isla markaana ku soo bandhigay wax soo saarkooda iyo Alaabta ay iibiyaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shugri Jaamac, ayaa sheegay inay shaqo adag qabteen, isla markaana ku dadaaleen sidii carwadaasi u qabsoomi lahayd.

“Rugta Ganacsiga Somaliland Sida Ku Cad Dastuurka Rugta Ganacsiga Somaliland ee ay dhaqan-galiyeen Baarlamaanka Waxa Carwadan Masuuliyada qabashadeeda iska leh rugta Ganacsiga iyo Beeraha Somaliland sannadkiiba mar sidaas aawadeedna anaga oo mahad naqa gaar ah siinayna cidii gacan ka gaysatay iyo cidii maal ka gaysatayba, waxaan leeyahay ganacsatada reer Somaliland waa Uman-fac Dalkana waa U Magac”ayuu yidhi gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri oo ka hadlaya qabasahadda carwadan .

“Maanta waxa ii Farxad  ah inaan Kasoo qayb galo Carwada 6aad Oo Maanta Oo Sanadkii Cusbaa ah  Si Rasmi ah  Uga Hirgashay Magaalada Hargaysa Gaar Ahaan Huteel Guuleed,” ayuu yidhi wasiirka warshadaha Abiib Diiriye Nuur.

Madaxweyne  Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isna soo dhoweeyay qabsoomidda carwadan caalamiga ah ee shirkaduhu ganacsigooda ku soo bandhigayaan.

“Ganacsigu waxa aynu ognahay inuu yahay laf-dhabarta dalka Somaliland Ganacsiga Somaliland siday kusoo caano maashay waxa weeyaan ganacsi xor ah oo sida uu dastuurka Somaliland uu dhigayso lagu dhaqmo , Ganacsigu waxa uu kordhiyaa oo uu wax ka  taraa dhaqaalaha dalka waxa uu shaqooyin  u abuuraa dhallinteena ee dalka maanta u soo kacaysa, meel Shaqo Taalo oo La ganacsanayo waxa weeyaan dal amni ah,” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayey muhiimadda ay leedahay carwooyinku.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay dhiirigalinayaan ganacsiga xorta ah, isla markaana la helo tartan xalaal ah oo bulshadda ka faa’iidaysato.

Dhinaca kale Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa ka hadlay biyo yaraanta ka jirta qaybo ka mid ah Hargeysa, waxaanu sheegay inay sanadkan u balanqaadayo in biyo ku filan loo heli lahaa.

“Booyadihii Joojiyey Biyo Dhaaminta Iyana waxa ay mareen wada qaldan, haddii Maanta la yidhi dalkii Ha la dhiso,Ileyn  Cashuurta Yar ee  aynu iska qaadno ayeynu dalkeena ku dhisanaaye Hadii Maanta la yidhi wax aynu wada qabsano waxa dhib ah kumay jirin ee booyaduhuna waxa ay mareen wada qaldan, Waxa aynu nahay dal yar oo soo koraya oo aan wali beesha caalamka ka helin ictiraaf dhab ah sidaas awgeeda hadaynu nidhi waxaana aynu meel ku farsamayno wax dhib ah kuma jiraan ee dalka maanta waa la wada dhisayaaye nin walowba Heegaan Buuxa ugu jir,” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen booyadaha biyaha ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa iyaguna munaasabadda ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo maal-gashiga Bashiir Cabdi xariir iyo madaxda sare ee shirkadaha kusoo bandhigayey ganacsigoodda.







Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland

More News