Xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Puntland oo doortay Afhayeen KMG kaddib markii Maanta lagu dhaariyay Garoowe

Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Kaddib markii maanta lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee Puntland magaalada Garoowe ayaa waxay kulan ay yeesheen ku magacaabeen guddoomiye KMG ah, kaasoo xilka hayn doona inta laga dooranayo guddoomiyaha cusub oo baarlamaanka hoggaamiya.

Guddoomiyahaan sida KMG ah ayaa loo doortay, Cali Axmed Cismaan oo ah midka ugu da’da weyn, iyadoo shaqadiisu ay noqon doonta inuu hoggaamiyo kullamada xildhibaannadu ay yeelanayaan baarlamaanka tan iyo inta ay ka soo dooranayaan shir-guddoonka.

Xildhibaanka sii hayn doonna xilka afhayeenka baarlamaanka ayaa hore ee baarlamaankii uu xilligiisu dhammaaday, waxaana xildhibaannadan cusub ay soo dooran doonaan bishan Jannaayo madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

Xildhibaan Cali oo xilligan ah guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka ayaa waxaa uu ka mid yahay xildhibaanada baarlamaanka uga soo galay gobolka Sool.

Si kastab waxaa laga dhursugaya baarlamaanka maamulka Puntland in 48-saac ee soo socda ay kusoo afmeeran hawshooda, intaas kaddibna doortaan shir-guddoon iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka.

Doorashada maamulka Puntland ayaa waxaa u taagan in ku dhow laabtan murashax oo uu ku jiro madaxweynaha haatan xilka haya ee C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole, iyadoo murashaxiintan ay dadaal ugu jiraan sidii xilkan ay u tartamayaan loogu dooran lahaa.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya

More News