Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaallada Al-shabaab lagula jiro, Shirka Baydhabo iyo Arrimaha Puntland iyo Somaliland


Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa wareysiyo uu siiyay warbaahinta magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin shirka Baydhabo ka socda ee lagu dhisayo maamul goboleedka, dagaallada ay Al-shabaab kula jiraan iyo arrimo kale oo fara badan.

KHILAAFKII ISAGA IYO SAACID SOO DHEXGALAY:

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku billaabay isbedelkii xukuumadii hore ku dhacay, isagoo sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore uu soo dhex-galay khilaaf dhinaca aragtida ah, balse aysan jirin wax muran siyaasadeed ah oo soo dhexgalay.

“Ra’iisul wasaarihii hore Saacid howl badan ayuu qabtay, balse aniga iyo isaga waxaa nasoo dhexgalay kala aragti duwanaasho habka shaqada ah, mana jirin wax khilaaf ah oo noo dhexeeyay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in baarlamaanka uu go’aan cad ka gaaray khilaafkooda, iyadoo aan la aadin dalal shisheeye, sidoo kalena aysan ajnabi soo dhex-gelin. Wuxuuna intaas ku daray in ra’iisul wasaare uu ku shaqeeyo laba kalsooni oo kala ah: mida madaxweynaha soo magacabay iyo tan baarlamaanka, labadana wuuxuu waayay howshuna sidaas ayay ku dhammaatay.

Mar la weydiiyay aragtidiisa ku aaddan xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo ayuu sheegay inuu rajeynayo inay noqoto mid ka duwanaata tii hore, isla markaana ka wax-qabad fiican, isgaoo xusay in howsha dhismaha xukuumadda uu ku mashquulsan yahay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayna rajeynayaan inay noqoto mid lagu qanco.

“Xukuumadda lasoo dhisayo haddii ay la mid noqonayso taro ahaan iyo tayo ahaan tii hore, waxaanba iska haysan lahayn tii hore, balse xukuumadda way ka duwanaanaysaa tii hore sida tirada iyo tayada oo ay noqontaa mid ay kawada muuqdaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxna taraysa. Balse sidee noqonaysaa, yaa ka mid noqonaya iyo arrimaha noocaas ah waxay u tallaa ra’iisul wasaaraha cusub, kalasooni ayaana ku qabnaa inuu wasiirro wax tar leh soo magacaabi doono, baarlamaankuna uu ansixin doono,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

SHIRKA BAYDHABO IYO MOWQIFKA DOWLADDA:

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay shirka maamul dhisidda ee ka socda magaalada Baydhabo ee  xarunta gobolka Bay, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo shirkaas ayna bogaadinayso dowladda in shacabka Somaaliyeed ay isku yimaadaan oo ay tashadaan, balse loo baahan yahya inaan lagu mashquulin burburinta wixii horay u dhisnaa ee loosoo jeesto dhismaha maamullada kale ee dalka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto dadka Soomaaliyeed ee aayahooda ka tashanaya, in Baydhabo la isugu yimaadana waa mid mudan in la ammaano, laakiinse dowladdu farriinteedu waxay tahay in meeshii maamul uusan ka jirin maamul loo sameeyo, meeshii uu maamul ka jiro oo arrimahooda la dhaliilsan yahayna aan wax ka saxno, balse maamul horay u jiray in la dumiyo ma ogolaanayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay xusay in madaxda dowladda oo uu isagu ku jiro inay diyaar u tahay inay ka qaybgalaan shirka ka socda Baydhabo, laakiinse uu mar walba shacabka gobolkaas kula dardaarmayo inaan lagu mashquulin duminta maamullada dalka, balse laga shaqeeyo dhismaha maamullada aan weli la sameyn.

DAGAALKA U DHEXEEYA DOWLADDA IYO Al-SHABAAB:

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay dagaallada ay kla jiraan Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso cid walba oo fikirka kooxda Al-shabaab kasoo laabanaysa qaybna ka qaadanaysa nabadeynta dalka.

“Waxaan oran lahaa waxaa wanaagsan in inta aan laga awood badin Al-shabaab inay soo raacaan waxay dowladda iyo shacabka Soomaailyeed doonayaan, laakiin waa la hadlaynaa cid walba oo Soomaali ah oo doonaysa inay wadahadal galaan waan soo dhaweynaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ka kooban tahay laba qayb oo kala ah qaybood ka kooban yihiin, kuwaasoo kala ah Soomaali iyo Ajnabi, isagoo xusay in ay kuwa Soomaalida ah dalka wax ka leeyihiin, balse kuwa ajnabiga ah ay ugu baaqayaan inay dalka ka baxaan.

“Innagu ma diiddanin inaan Al-shabaab la hadalno, balse waxaan diidannahay firradooda ay ka midka yihiin dilalka, qaraxyada iyo kuwa kale ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, inta ay Al-shabaab mabda’aas aamisan tahay innaga iyo iyaga dagaal ayaa naga dhexeeya,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya loo wakiishay inay difaacdo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, aysanna ogolaan doonin in dhibaato shacabka loo geysto, ciddii dhib u geysanaysana waan ka horatagayaan waana la dagalaamayaan.

ARRIMAHA PUNTLNAD IYO SOMALILAND:

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan horumarka Puntland iyo in doorasho xor ah ay ka dhacdo, isagoo ku bogaadinayaan in laga fogaado tafa-raaruq iyo kala daadsanaan, isagoo ku baaqay in qofkii wax taraya Puntlad lasoo doorto.

“Xildhibaannada Puntland waxaan ku boorrinayaa inay soo doortaan qofkii Puntland wax u taraya, kaasoo lagu qasbo inuu dowladda dhexe wax la wadaagto. Waxaan ku boorrinaynaa shacabka Puntland ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaasho, xumaan iyo kala-qaybsanaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray inay u rajeynyaaan Puntland wanaag iyo horumar.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in bishan gudaheed magaalada Istanbuul lagu qaban doono shir lagu dhameystirayo wixii heshiiska labada  dhinac u dhexeeyay.

XARIGGA SHEEKH XASAN DAAHIR:

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo bishii lixaad ee sannadkii hore kasoo baxday kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno lagu sameynayo, wixii kasoo baxana ay dowladdu u soo gudbin doonto shacabka.

“Waa run Sheekh Xasan Daahir waxaa gacanta ku haysa dowladda Somalia, baaritaanno badan ayaa socda, arrintiisna aad ayaa loogu mashquulsan yahay, balse waxaan sheegayaa in markii ay baaritaannada ay lasoo gaba-gabeeyay ay dowladdu shacabka ogeysiin doonto wixii kasoo baxa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Balse wuxuu sheegay in wax walba oo soo baxa lagu dhaqi doono sida ay qabaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka iyo sidoo kale amniga iyo xaslinta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News