5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 1 , 2014
JEN. CADDE MUUSE: " anigu dhex-dhexaad baan ahay"
Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) —Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde ayaa dardaaran adag u jeediyey xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee maanta la dhaariyey.

Cadde Muuse oo kamid ahaa mas'uuliyiintii ka hadlay munaasabadda dhaarinta ayaa ku boorriyey xildhibaanada in ay shaqada loo xil saaray sida ay tahay uga soo baxaan.

Wuxuu uga digey inay kala qaybsamaan, islamarkaana ay xukuumadda ku milmaan, isagoo taas ka hadlayey wuxuu yiri: "War hoy sharciga iyo xukunka iyo waxa laydiin dhiibay ku shaqeeya, hakala qaybsamina, madaxtooyada ha u kala dhuumanina, wixii xaq ah shacbiga u qabta.."

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay isimmada Puntland, isagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo sheegta inay isimmo yihiin, kuwaas oo mar walba carqaladeeya shaqada isimmadii soo jireenka ahaa.

"dhibaatada na haysataa waxa weeye koofiyad, ul iyo cimaamad ayaa lasoo qaadanayaa, waxaa la leeyahay anigu isim baan ahay, dhibaatada ugu weyni waa taas.."

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay inuu dhex-dhexaad ka yahay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu mucaaradka la safan yahay.

"Anigu dhex dhexaad baan ahay, mucaaradka isaga ayaa hoggaamiya ayaa la yiri, laakiin waxaan idiin sheegayaa, waxan rabnaa xaq in wadaka lagu dhaqo... waxan ammaanayaa guddigii ansixinta..."

Baarlamaanka Puntland ee maanta la dhaariyey waxay isla maanta doorteen guddoomiye kumeel gaar ah, iyagoo maalinta berri ahna dooran doona shir-gudoonka golaha iyo guddiga maamuli doona doorashada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya