
Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Cumar C/rashiid waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe uga hortagay mas'uuliyin ka tirsan xukuumadda xilligan talada haysa ee Puntland, waxaana loosoo gudbiyay xarunta madaxtooyada.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in imaashihiisa Garoowe ay la xiriirto arrimaha doorashooyinka ee xilligan ka jira Puntland, isagoo intaa ku daray in inuu qeyb ka noqon doonno dadaallada lugu raadinayo qabsoomida doorashada maalmuhu ay ka dhiman yihiin.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan imaado Garoowe, waxaana imaatinkgay uu xiriir la leeyahay arrimaha doorashooyinka, maadaama xilligan la joogo xilligii ay doorashadu ay dhici lahayd," ayuu yiri Cumur C/rashiid.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada dhacaysa 08-bisha Janaayo ay noqoto mdi hab nabdoon ku qabsoonto, haddana wada qancisa dhamaan shacabka Puntland.
Cumar C/rashiid oo ka hadlayay muhiimadda ay xukuumada Puntland u leedahay Somalia inteeda kale, wuxuuna xusay in Puntland ay tahay udub-dhexaadkii Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay hooyadii Soomaaliya.
Gabagabadi wuxuu sheegay in muddada uu ku sugan yahay Garoowe uu la kulmi doono musharraxiinta xilka u tartamaya oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya, C/raxmaan Faroole uuna kala hadli doono sidii looga shaqeyn laha qabsoomida doorasho lagu qanco.
Imaantinka siyaasigan ayaa la sheegaya inay ku soo aadayso xilli Puntland ay galayso waji doorasho oo cusub oo dhacaysa toddobaadka soo socda sida qorshuhu yahay.
Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya