Arbaco, Janaayo 01, 2014 (HOL) — Iyadoo la og-yahay kaalinta biyuhu kaga jiraan nolasha nafleyda oo idil, ayuu NGO-ga EARDF ee hormarinta miyiga bariga iyo bartamaha, waxaa uu ceelal biyaha laga cabo ka hergaliyay qaar ka mid ah deegaannada hoos taga degmada Beledweyne iyo mid ka mid ah xaafaddaha magaalada oo dadka ku dhaqan siweyn u baahnaayeen in ay hellaan ceelal ay biyaha ka dhaansadaan.
Gaar ahaan waxaa laga hergaliyay ceelasha tuullada Hiiraan iyo xaafadda Kooshin oo ka tirsan magaalada Beldweyne, kadib qiimeyn mas’uuliyiinta NGO-ga howshan fulinayay ku sameeyeen baahida bulshada ku dhaqan meelaha laga hergaliyay ama laga qoday ceelasha u qabaan hellista biyo ku fillan.
Raage Axmed oo madaxa EARDF ayaa HOL u sheegay in mashaariicda ay wadaan sidoo kale qeyb ka tahay tababar loo fidinayo dadka kaluumeysatada ah ee ka jilaabtay wabiga shabeelle, isaga oo intaa ku darray in ay hadda tababareen ilaa 30 ruux.
Tuullada Hiiraan oo ilaa 12-km dhinaca W/qooyi kaga beegan magaalada Beledweyne ayaa bulshada ku dhaqan waxaa ay siweyn ugu baahnaayeen in ay hellaan ceel biyood dadka tuullada ku dhaqan si fudud biyaha uga hellin karaan, madaama ka hor inta aan ceelka laga hergalin dadku biyaha u doonan jireen deegaanno ka fog –fog tuullada.
Mashruucan ayaa noqonaya mid dadka ka faa’ideystaan madaama dadka ku nool deegaannada ka baxsan magaalada biyaha ay isticmaalaan intooda badan yihiin kuwa wabiga.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya