4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Shir looga Hadlayo Waxbarashada Puntland oo ka Furmay Garoowe


Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe oo ah xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmay shirweyne dib loogu eegayo waxbarashada Puntland.

Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu qiimeeynayo horumarinta iyo tayeynta waxbarashada Puntland, iyadoo dib loo eegayo horumarrada iyo dib u dhacyada waxbarashada Puntland ee shantii sano ee lasoo dhaafay.

Furitaankii shirkan waxaa ka qayb-galay madax ka tirsan Puntland, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub, hay’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya wasaaradda waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyada sare illaa hoose ee gobollada Puntland.

Muddada uu shirkan socdo ayaa lagu falanqeynayaa kobcinta waxbarashada Puntland iyo sida loo hormarin karo sannadaha soo socda.

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame  oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in xilligan wasaaraddiisu ka go'an tahay sameynta siyaasad cusub oo kor loogu qaadayo waxbarashada Puntland, isagoo intaas ku daray qorshayaasha ay dowladda ka damacsan tahay inay garsiiso waxbarashada Puntland.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, wasiirku wuxuu soo hadal qaaday in la sameynayo barnaamijyo lagu fududeynayo waxbarashada, isagoona raaciyay in goobaha aan lahayn waxbrasho laga hirgelin doono iskuullo si ay shacabka ku nool waxbarasho u helaan.

"Wasaaraddu waxay sameynaysaa siyaasad cusub oo lagu kor loogu qaadi doono waxbarashada Puntland, shirka ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa socda hormarinta waxbarashada," ayuu yiri Cali Xaaji.

Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka Puntalnd, Cabdixakiin Cabdullaahi X. Cumar ayaa isna hadal ka jeediyay furitaanka shirka wuxuuna tilmaamay in siyaasadda dowladda ay waxbarashadu kaga jirto darajada koowaad, lana hormarin doono.

Sii-hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed C/wahaab ayaa isna hadal uu jeediyay wuxuu ku sharaxaay hannaanka waxbarashada Puntland iyo halka ay marayso, wuxuuna xusay inay korortay tirada ardayda, gaar ahaan gabdhaha wax-ka-barta iskuullada Puntland.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya