4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Ciidan Itoobiyaan ah oo soo galay G/Gedo iyo Dibadbax ka dhacay

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo Garbahaareey oo ah xarunta gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in halkaas ay soo gaareen ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadan oo wata 45 gaadiidka dagaalka ah ayaa waxay maanta tageen degmada Garbahaareey, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan oo ay ku adkeynayaan ammaanka degmadaas oo ay ka taliso dowladda Somalia.

Horraantii sannadkan ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah uga mid noqdeen howgalka AMISOM, iyagoo lagu wareejiyay inay sugaan amniga gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Dhanka kale, degmada Baardheere ee isla goboolka Gedo ayaa waxaa iyana ka dhacay maanta banana-bax ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya eek u sugan gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo halkaas khudbado ka jeediyay ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM ay sheegeen inay billaabayaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya