4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Jen. Dhego-badan oo si Adag uga Hadlay Amni-xumada Muqdisho

Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa si adag uga hadlay nabadgalyo xumada xilligan ka jirta magaalada Muqdisho, kaddib weerarkii ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaadday Al-shabaab xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Jen. Dhego-badan oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegay in in isaga u qabo in amaan xumada jirta ay sababteeda leeyihiin siyaasiyiinta, ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, wuxuuna ku tillmaamay in wax walba oo ay awoodaan ay u sameeynayaan sidii uu u hir-geli lahaa hamigooda siyaasadeed.

“Anigu waxaan qabaa in dhibaatada taagan xilliga ee ay amni-darradu ugu horreyso ay mas’uul ka yihiin siyaasiyiin, ganacsato iyo qurbo-joog dano gaar ah leh,” ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo la hadlayay idaacadaha ka howlgala Muqdisho qaarkood.

Sidoo kale, Jeneraalka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maalin cad la weeraro madaxtooyada Soomaaliya oo ku taalla bartamaha Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in Soomaalida oo dhan looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ammaanka dalkooda, gaar ahaan Muqdisho.

“Waxaan ku talinayaa dadka aan eedeynta u jeediyay iyo shacabkaba inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda, waayo waa dalkoodii cid ammaankiisa uga shaqeynaysana ma jirto haddii aysan iyagu ka shaqeysan, ayuu jananku hadalkiisa ku daray.

Hadalka Jen. Dhego-badan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa eedeymo iyo cambaareyno kala duwan oo la jeedinayay tan iyo markii Al-shabaab ay u suuro-gashay inay weerar ku qaaddo madaxtooyada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya