4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo jeediyay Khudbad ku aaddan weerarkii madaxtooyada


Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa jeediyay khudbad ku aaddan weerarkii Villa Somalia lagu qaaday Jimcihii lasoo dhaafay, taasoo uu kaga hadlay arrimo badan.

C/weli Sheekh ayaa khudbadiisa ku billaabay tacsi uu u dirayo dadkii ku dhintay weerarkii madaxtooyada Soomaaliya, maalintii Jimcaha ee 21-kii bishan Feberaayo. Wuxuuna Alle uga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo imaanna ka siiyo ehelkoodii.

“Ma ahan markii ugu horreysay ee ay argagixisadu la beegsadaan falal noocan ah shacabka Soomaaliyeed. Kooxahaan waxay banneysteen dhiigga dad aan waxba galabsan, iyagoo marar badan xasuuqay carruur, arday, macalimiin, takhaatiir, aqoonyaanno, culummo, shaqaale, saraakiil dawladeed iyo dad kale oo wax ku ool ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia.

Sidoo kale, wuxuu ku sheegay khudbadiisa: argagixisadu waxay lid ku yihiin nabadda, waxqabadka iyo horumarka dadkeenna. Diinteennu ma banneeyn in naf Ilaahay abuuray xaqdarro lagu gooyo, iskaba daa in la gumaado dad muslimiin ah oo masaajid u taagan salaad.

Falkii foosha xumaa ee Jimcihii dhacay, waxaa fulintiisa loo adeegsaday carruur yar-yar. Carruurtaas waxaa lagu marin habaabiyay fikirka gurracan ee xagjirnimada – oo aan xiriir la lahayn diinteenna xaniifka ah. Waa nasiib darro ah in carruurtaas mar kasta ay ku dhintaan falalka noocaas ah, maxaa yeelay naftoodu qiimo uguma fadhido arxanna uma hayaan kuwa falalkaas u adeegsanaya.

Jimcihii ina dhaafay waxay argagixisadu galaafteen dad aan waxba galabsan oo isugu jira saraakiil iyo masuuliyiin dawladeed oo ku sugnaa goob ay ku cibaadeeysanayeen. Waxaa dadkaas ka mid ahaa marxuum Maxamuud Xirsi “Indhacase” iyo marxuum Jen. Nuur Shirboow. Dhacdadan iyo kuwii ka horreeyayba waxaa ku agoomoobay carruur badan waxaana ku kala dhantaalmay qoysas.

Argagixisadu waxay had iyo goor sheegtaan inay la dagaallamayaan cadowga Islaamka. Waxaa cad inay iyagu yihiin cadowga dhabta ah ee diinteena iyo dadkeena. Tusaale, marxuum Maxamuud Xirsi “Indhacase” hadalkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa ‘Laa Ilaaha Ila Laah, Laa Ilaaha Illa Laah’. Taas waxay muujinaysa inaysan waxba ka jirin waxa argagixisadu sheeganayso.

Waxaa la ogsoon yahay inay xukuumaddu kordhisay cadaadiskii millatari ee ay kula dagaallameysay kooxaha argagixisada ah iyo hoggaankooda. Wixii Villa Soomaaliya ka dhacay Jimcihii ina dhaafay wuxuu ka yimid cadaadiska ay xukuumaddu ku hayso argaggixisada. Kooxahani waxay raadinayaan fursado ay ku muujiyaan inay weli jiraan, khatarna ku yihiin amnigeena. Waxaa wiiqantay awoodihii dhaqaale, dagaal iyo moraal ee argaggixisada, waxaana taas caddaynaya naf-la-caarinimada ka muuqata.

Xukuumadda waxaa ka go’an in kooxahaas laga tirtiro dalka oo dhan (Haddii Eebe idmo). Dadkeenna, meel kasta oo ay ku sugan yihiin, waxay dhawaan ku diirsan doonaan howlgallo xanuujiya, dhabarkana ka jabiya nabad-diidka.

Ka sokow hawlihii socday, waxay xukuumadda ku dhaqaaqday tallaabooyin ka jawaabaya weerarradii dhawaan dhacay. Waxaa tallaabooyinkaas ka mid ah:

1. Waxaan  baaritaan dhab ah oo qoto-dheer ku sameyn doonnaa weerarkii Jimcihii, si loo ogaado waxa dhacay, sababtay u dhaceen, ciddii dabada ka soo riixaysay iyo sida loo waajahay markii uu falku dhacay. Baaritaankaas waxaa loo xil saaray guddi wasiirro ah oo kaashan doona xeel-dheerayaal hawshan loo xulay.

2. Waxaan dhisnay oo hawl-galinnay guddiga amniga iyo nabadeynta degmooyinka oo ka kooban xubno ka mid ah: wasiiradda, baarlamaanka, ururrada bulshada, maamullada degmooyinka, ganacsatada, booliska, nabadsugidda, culummaa’u’ddiinka, ururrada haweenka iyo dhallinyarada. Dadaalkan wuxuu billow u yahay wadashaqeyn dhab ah oo dhex-marta xukuumadda iyo bulshada. Wadashaqeyntaasi waxay lagama maarmaan u tahay sugidda amniga iyo horumarinta bulshada. 

3.   Waxaa dhowaan la xil saari doonaa khubaro daraasad ku sameeya tayada, waxqabadka iyo wax ku oolnimada hay’adaha amniga, oo ay ka mid yihiin hay’adda nabad sugidda, booliska iyo millatariga. Hadafka daraasaddaan waa in talo loo helo xoojinta tayada iyo waxqabadka hay’adaha amniga qaranka.

4.   Waxaa dhowaan baarlamaanka la horgeyn doonaa sharciyo lagu qaado dadka ku eedeysan falalka argagisxisanimada. Sharciyadaas waxay, sidoo kale, ciqaabi doonaan shakhsiyaadka kalkaala argagixisada, cidkastoo ay yihiin. 

Tallaabooyinkan looga hortagayo falalka argagixisanimada waxay salka ku hayaan qorshe ballaaran oo aan dooneyno inaan ku sugno amniga guud ee dalka.

Waxaan, si dhakhso ah, u fulin doonnaa talooyinka ka soo baxa guddiyada baarista ee la xiriira nabadgelyada. Xukuumaddu ma dooneeyso inay qaaddo tallaabo aysan hubsan, baarin, kana baaraan degin. Waxaa naga go’an in aan dadkeena u soo celino nolosha iyo xorriyadda ay mudan yihiin, xaqana u leeyihiin, taasna waxaa lagu gaari karaa shacabka iyo xukuumadda oo isku duubma.

Waxaan farayaa saraakiisha amniga iyo maamullada gobollada in ay muujiyaan wadaqasheyn buuxda. Ciidamada amniga, sidoo kale, waxaan farayaa inay xilkasnimo iyo hufnaan ugu adeegaan shacabka. Marnaba, ciidamadu, waa in aysan dhib u gaysan nolosha shacabka. Ciidamadu waa in ay ogaadaan in lagula xisaabtami doono wax qabadkooda iyo sida ay u dhowraan xuquuqda dadka.

Waxaan giddigeen u shaqeeyneeynaa shacabka. Mabda’an waxaa asal u ah hannaanka dawlad wanaagga ee aynu hiigsaneyno. Albaabadeennu waa u furan yihiin shacabka. Waxaan sii wadi doonnaa xiriirka iyo wadatashiga aan la leenahay ummadda. Waxaan dhagaysan doonnaa talooyinka ay noo soo gudbiyaan.

Hubaal waxaa ah in nabaddu ku xiran tahay ka qeybgalinta shacabka hawlaha sugidda amniga. Haddaba, waa in shacabku mas’uuliyad isa saaraan lana shaqeeyaan ciidamada amniga iyagoo soo gudbinaya wixii ay u arkaan inay khatar ka imaaneeyso. Waxaan ku baaqaynaa in shacabku u dhaga nuglaadaan codsiga dawladda ee ku aaddan nabadeeynta dalka.

Sidoo kale, culimada Soomaaliyeed waxaan xasuusinaynaa inay u istaagaan fahamsiinta ummadda mowqifka diinteennu ka qabto argagixisanimada iyo ku xadgudubka xuquuqda dadka iyadoo la isticmaalayo magaca diinta Islaamka.

Waxaa ku dayasho mudan, oo aan boogadinayaa, ciidamada qalabka-sida, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada iyo saraakiishii kale oo naftooda ka hormariyay badbaadinta muwaadiniintii cibaadeeysanayay. Ilaaladaas iyo saraakiishaas waxay horjoogsadeen oo fashiliyeen hadafkii argagixisada oo ahaa inay dad badan gumaadaan, waxayna abaalkooda mariyeen oo laayeen dhammaan kuwii weerarka soo qaaday. Geesinimadoodu waxay mudan tahay abaal marin qaran, taas oo ay xukuumaddu ku talo jirto dhaqanglinteeda.

Gabagabadii, dadkeennu waxay ku baraaarugsan yihiin dhibaatada nabad-diidka al-Shabaab ay ka dhex wadaan bulshada, taas oo ka hortaagan in ay helaan nolol xurmo leh, waxbarasho, caafimaad, fursado shaqo, caddaalad iyo xornimo shakhsi ahaaneed.

Go’aankeennu waa midnimo, geesinimo, wada-shaqeyn, iyo inaaynu meel uga soo jeesano dagaalka aynu kula jirno argagixisada. Bartilmaameedkeenu waa guul, nabad iyo horumar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya