4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 26, 2014
Galmudug oo Puntland ku wareejisay ruux eedeysane ah (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 26, 2014 (HOL) — Maamulka Galmudug oo ka arrimiya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta waxay ku wareejiyeen maamulka Puntland eedeysane weerar ku qaaday dad rayid ah oo fadhiyay makhaayad ah oo ku taallay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ninkan oo dhallinyaro ah ayaa lasoo bandhigay kaasoo qayb ka ahaa kooxaha weerarka qaaday, waxaana rasaas ay ku fureen dadkii goobta joogay ku dhaawacmay afar ruux, halka kooxda weerarka qaaday uu kasoo gaaray dhaawac ninka gacanta lagu hayo.

Taliyaha booliiska Galmudug, Maxamed Nuur Cali ayaa qaybaha warbaahinta u sheegay in xilligii weerarku dhacay ay ka warheleen ayna sameeeyeen baaris ay kusoo qabteen ninkan oo ka mid ahaa kooxihii weeraray goobta maqaayadda ah.

Col. Maxamed Nuur Cali ayaa intaas ku daray inay baarintaan ku sameeyeen guriga ninkan ay qabteen ayna ka heleen walxo laga sameeyo qaraxyada iyo bistoolad uu watay, isagoo intaa ku daray in ninkaan gurigiisa laga helay liis ay ku qornaayeen magacyo isugu jira mas’uuliyin iyo suxufiyiin ka howlgala Puntland, kuwaasoo la doonayo in la dilo, sida ku caddeyd warqada la helay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Weeararkii  xalay ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaan xaafadda Garsoor markii aan ka war-helnay, waxaan ku dhaqaaqnay howlgallo aan ku baadi-goobeyno kooxda weerarkan ka dambeeyay ee dhinaca Galmudug u soo baxsaday; waxaan gacanta ku dhignay ninkan oo ka mid ka ahaa kuwii falkaas fuliyay," ayuu yiri taliyaha booliiska Galmudug.

Intaas kaddib taliska booliiska Galmudug waxay ninkaan ku wareejiyeen Puntland, waxayna gacanta u geliyeen laamaha ammaanka Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Taliyaha booliiska gobolka Mudug ee Puntland, C/rashiid Shire Dool iyo guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabteen xarunta qaybta booliiska Puntland waxay ku faah-faahiyeen eedeysanaha xilligan ay Galmudug kala soo wareegeen.

C/rashiid Shire ayaa sheegay in ninka ay lasoo wareegeen uu qayb ka ahaa rag weerar ku qaaday goob dadka ay ku caweynayeen, wuxuu inta ku daray in cadaaladda la marin doono lana baari doonno.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Maxamed Yuusuf ayaa isna soo hadal qaaday in wada-shaqeynta dhexmartay Galmudug iyo Puntland ay sahashay in gacanta lagu soo dhigo eedeysane dhibaato ka gestay dhinaca Puntland.

Dadweynaha ku nool gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka oo ka dhowr-sadaan cidda aysan garanayn, Galmudug ayuuna ku ammaanay sida wanagsan ee ay u soo wareejiyeen eedeysanaha.

Ninka lagu sheegay inuu yahay Al-shabaab ee weerarka ku lugta lahaa ayaa magaciisa lagu sheegay C/xakiin Xasan Xaamud, waana nin dhallinyaro ah.

Iimaan Maxamed, Hiiraan.com
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya